|

Akhriso Shiinleyda la magac baxday Shugux Shugux oo ku saabsan Khilafka Kulmiye iyo qarxiska baalaxooftadda ah‏

Akhristayaal waad salaamantihiin manta waxaan idiin soo gudbinayaa maanso layidhaa Shugux Shugux oo shiinley ah idinna xasuusin doonta AHN Abdi Iidan iyo Shiinleydii uu ka tiriya liiqliiqadkii dawladdii Siyaad Barre iyo wixii ay ku haysay dadka Waqooyiga ayna ka mid ahaayeen baydadkeena ”Shalmadi fore raacdee waxbaan sheedda ka arkaaye’, hooriskeeduna ahaa ” Sheeg haddaad garato?”
xaaladda manta  Somaliland gashay intii uu xisbigan Kulmiye taladda la wareegay waxay u muuqadaa mid la mid ah xiligaas uu AHN Cabdi Iidan ka tiriyey Shiinleydaas. waxaynu ku jiraa xili siyaasadda wadanku ayna jiho lahayn oo xataa Xisbigii taladda hayey uu nabadgelyo darro madaxdiisii abburayso iyagoo dhexdooda ishaysta oo ay qabyalad u dhuratay Alshabaab iyo qarxisna maddaxdii sare isku eedaynayso,
Akhris wanagsan  mudanayaal iyo marwooyin fikirkiina waad ka dhiiban kartan.
Maansadda waxaa la curiyey 03/06/2014
1. Shugux shuguxda shaanidan la riday duulkan wada shuuqle
2. Ee aan shiddaba aan u qabin sharaf xajimeynta
3. Ee aan shishiba laga deyayn shalayna loo joogay
4. Ey sheelayaan kuwii lahaa shaanbadda u gaari
5. Sharba kuma ogayn shanidane sheeg haddaad garato?
6. Shiish kaa kursiga saran ee shaani lagu doonay
7. Sharaabkii ku jiray waaw eg yahay dhiig la soo shubay
8. Shookaanta kii haystaybaa loo shirabayaaye
9. Isna wuxuu shu aystaa yarkii shalay la fiicnaaye
10. Waxa shaani layskula dhacay sheeg haddaad garato?
11. In shaqaabad lagu wada socday iyo shirixaha aan hayno
12. Shanshaduna eegteenuun ha taal oo yaan shaarub cidi saarin
13. Sheekadu hadday taa ahayd shuufay baa timidi
14. Shariiryaha ninkii shiilayaa sharad ka joogaaye
15. Waxaa shani sheedaha ag dhigay sheeg haddaad garato?
16. Shanka roon waxay shaanbisaba sheeda laga raacye
17. Shuruudbaa ku xidhan kii raabaa inu shilaystaaye
18. Shafka soo bane iyana shiixday dabadeede
19. Wuxuu shicibku ugu heesilaa wuu ka shirayaye
20. Inuu shaani meherkeedu yahay sheeg haddaad garato?
21. Shushubkii daraad manta waa shar iyo aafaad e
22. Wuxuu sheekhu baalka u rogay uu shush u yidhi wiilka
23. Shaaruba caddiibay illen wadda shalaadeene
24. Isna shiidka soo qaata buu reerku shiriyaaye
25. Cidda shaani lagu sheegayana sheeg haddaaad garato?
26. Mashareerin sheekadda ninkii iga shisheeyowe
27. Shalay odaydii wada shirey ee baaqa lagu sheegay
28. Wax cumaamadda loo shamiray waa shaaha wadda keene
29. Shanti boodhka sidataa ka daran ee sheegay magacoode
30. In ay shaani shirabad tahay sheeg haddaad garato?
31. Shamareer hadhuudh kaan shukulay shay kamaan heline
32. Hayeeshee shifuunbaan idhaa shaalka kii xidhane
33. Dar uun baa wax sheeg sheegayoon shilina dhaafayne
34. Geenyadda halkii loo shirabay baa shirqool helaye
35. Shaanida wixii loo shalwiyey sheeg haddaad garato?
36. Shalmadii haddii foorahii shalay la sii raacshay
37. Oo ay shucuubtii hadeer shurug walaalowdey
38. Oo sheegashadda Lantatani shiinka lagu duugay
39. Wixii uu Cabdiba sheegay uu sheeda ka arkaayey
40. Shaanidan inayna ahayn sheeg hadaad garato?
41. Wanka shilis shakaal lagu xidhaa habal shu-aystaaye
42. Shaanshaan haddaydaan ka ridin wayna shaafiyiye
43. Shalanbood waxaa haysta yaan shaadka loo ridine
44. Iska shuuqsi waa lagu walfaa shacab ma dhaaftaaye
45. Inaan Shaani layska tegayn sheeg hadaad garato?
Mohamoud H Arrale
arrale3@yahoo.com
London

Comments are closed