Akhriso Dalalka Adduunka ee Haboon In Carruur Lagu Dhalo Iyo Kuwa Ugu Liita Ee In Lagu Dhalo Laga Taxadarro
Washington:May,06,2015(SDN/QJ)-Hay’adda Caalamiga ah ee Badbaadada Carruurta ee Save The Children, ayaa soo saartay Warbixin dheer oo ay kaga Hadashay dalalka dunida ee ku haboon in carruur lagu dhalo iyo kuwo aan ku Haboonayn in ubad lagu dhalo.
Warbixintan oo aad dheer waxaa lagu sheegay in dalalka Poland Belarus, Israel iyo Slovenia ay yihiin wamada dunnida ugu wanaagsan ee caruur lagu dhalo.
Hooyooyinka ayaa daryeel ka hela xarumaha caafimaad ee dalalkan waxaana aad ugu yaraan haween ummul raacda sida hay’addu sheegtay.
Sidoo kale wadamo ay ka mid yihiin Jarmalka, Australia iyo Spain ayaa iyana ka mid 5 wadan ee ugu wanaagsan ee caruur xilligan lagu dhalo.
Marka la eego 10 wadan ee safka ugu horeeya ku jira xagga daryeelida hooyada xaamilada ah iyo xilliga foosha waxaa ka mid ah Norway, Finland, Denmark Sweden iyo Biljimka.
Hay’adda warbixintaan diyaarisay ee Save The Children waxay sheegtay in dalka Ingiriiska oo ka mid ahaa wadamada ugu wanaagsan ee haweenku ku umulaan inuu hadda daaqada ka dhacay waxaana qiimayntaan ka galay kaalinta 20,aad.
Warbixintaan waxaa lagu muujiyay wadamada ugu adag ee caruur ay hooyooyin ku dhalaan waxaa ay ku yaala badhtaha iyo galbeedka qaaradda Africa.
Wadamada Sierra Leone, Ginni Bisaw, Jaad, Ivory Coast iyo Niger ayaa ka mid ah wadamada ugu badan ee haweenku daryeel la’aan ugu geeriyoodaan xilliga dhalmada.
Soomaaliya ayaa kaalinta ugu horeysa qiimeyntan kaga jirta waxaana la sheegay 18,kii dumara mid ah mid ah ay xilliga dhalamada geeriyooto.
SDN/QJ