|

Akhri Xog-Qoraal Muujinaya Faa’iidooyinka Ganacsi, Siyaasadeed, Dhaqaale, Shaqo Abuur, Dalxiis, Diblomaasiyadda Iyo Arrimo Kale Oo Somaliland Ugu Jira Heshiiska ay la Saxeexatay Shirkada DPW

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah kana soo baxay Jaamacad Maraykanka laga leeyahay oo ku taalla dalka Switzerland oo lagu magacaabo American University of Switzerland oo uu ku diyaariyey shahaadada sare ee qaanuunka Caalamiga ah (International Law) kana soo shaqeeyey shariikaadka ugu waaweyn qaaradda Asia sida ARAMCO iyo ADNOC ayaa lafa-gur cilmiyeysan ku sameeyey faahfaahimo dheeraad ahna ka bixiyey qiimaha uu dalka Somaliland u leeyahay heshiiska casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera ee xukuumadda Somaliland la saxeexatay shirkadda caalamiga ah ee DP-World.

 

Dubai Ports World, DP WorldAqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax waxa uu si gaar ah isu dul taagay faa’iidooyinka ku lammaan heshiiskaasi isaga oo diiradda ku saaray dhinacyada shaqo-abuurka, Dhismaha Kaabayaasha dhaqaale sida waddooyinka, Dalxiiska, Ganacsiga, Beeraha, Keydinta Shidaalka. Adeegga Cashuuraha ka caaggan ee Free Zone-ka loo yaqaano iyo arrimo kale oo badan.

 

Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax waxa uu sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan: “Marka Hore ilaahay baa mahad leh, waxaan fursadan aan jeclay inaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda aan la wadaago farxadda iyo guusha , uguna hambalyeeyo guusha usoo hoyatey Heshiiski dhex maray Dawladda Imaaraadka Carabta oo ay matalyso DP World oo dhinaca iyo Dawlada Jamhuuriyada Somaliland oo dhinac kala ah, inkastoo si qotodheer oo cilmiyeysan aan uga hadley wareysi aan hore u siiyay Telefeeshinka HCTV, kaas oo aan ku sharxay faa’iidada uu heshiiskani inoo leeyahay iyo Shirkada DP World, haddana waxaan jeclaystay inaan qoraalna qalinka ugu qaato.
Heshiiskani wuxuu magacaabaya cidda heshiiska wada gashay.. waxaana ku xardhan qodobo u dhigan sidan: “Heshiiskani wuxu u dhexeeyaa Dawladda Imaraadka Carabta (United Arab Emirates) oo ay metelyso Imaarada Dubai (Dubai Goverenment) iyo Dawladda Somaliland, Shirkada fulinaysaana ay ka tahay DP World.
Haddaba waa maxay faa’iidada inoogu jirta Heshiiskan Waddan ahaan Somaliland, Dad ahaan iyo Dawlad ahaan, haddii aynu qodobo u qaybino faa’iidoyinka ku duugan heshiiska DP World iyo Somaliland kala saxeexdeen si dhamaystiran hadda.
1.In Dawladaa Somaliland oo Dawlad Dimuquraadi ah (Democratically Elected Government) haysatana kalsoonidii Baarlamaanka iyo shacbigeeda inay la Gashay heshiis caalamiya magaca Dawladda Somaliland (Govenmenet of Somaliland) iyadoon ahayn Maamul Goboleed ama Heshiisku ku Saxeexnayn Federal Government of Somalia) lana gashay Dawlad Imaraadka Carabta oo ay matalyso Dubai Governement, Shirkadda Kowaad-na ay tahay DP World, Taas oo ay ka dhigan tahay in Dawaladda Imaraadka Carabtu (UAE Governement) oo ah waddan kamid ah kuwa ugu dhaqaalaha badan adduunka, xubina ka ah Qaramada Midoobay uu inoo aqoonsaday in ay aynu nahay waddan gaarkiisa u taagan. (Saparte Entity) aan qayb ka ahayn wixii la odhan jiray Somali, taas oo meesha ka saartay sharci ahaan sheegashadii Dawladda Federaalka Somalia oo in badan inaga carqaladayn jirtay maal-gashiga dalkeena. Geesta kale waxaynu markaas helaynaa waxay Dawladda Imaraadku muujisay aqoonsiga dhaqaale ee dalka Somaliland, (Economic Recognition not Political). Qodobkaasi wuxu dabarka ka furayaa xayiraadi ku aadanayd laydinma aqoonsana oo heshiis caalamiya Somaliland ma geli karto, wixii hadda ka danbeeya Dawlad kasta oo adduunka kamid ahi waxay ku dhiiranaysa inay Somaliland ku soo dhiirato. Dhinaca kalena Sherkada DP World, waa shirkad caalamka siweyn looga yaqaan, waa Sherkada koobaad ee Dalka Imaraadka Carabtu u magacawday inay u matasho (Regutergareysan London stock Exchange)
1-Faa’iidooyinka kale ee dhaxal ahaan uu reebeyo heshiiskan waxa iyana ugu weyn, dalka Imaraadka Carabta oo ah waddan qaniya, haddii uu mashruucani najaxo, wuxu dhabada u xaadhi doona maalgalin kala duwan oo Imaraadku ku sameeyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku dhiiran doona.

 

  1. Wuxuu heshiiskani Somaliland u horseedaya, inay Mandaqada Geeska Afrika ka noqoto marin isku xidha oo muhiim ah, iyadoo ka faa’idaysanaysa ganacsiga baaxada leh ee uu soo jiidi doono Maalgalintani.

 

  1. H) Shaqaaleynta (Employment).Waxaa Heshiiskan Jamhuuriyadda Somaliland ugu jira in la shaqaaleysiiyo Muwaadiniin tiro badan, madaama shaqo la’aan badani ka jirto wadankeena, iyadoo ay abuurmi doonaan fursado shaqo oo tiro badan, maadama maalgalinta wajiga hore lagu bilaabayo lacag gaadhaysa 400, oo Milyan. Muwadiniinta Somaliland waxay ka shaqyesan karaan dalka gudihiisa iyo Imaarada Dubai , iyadoo sherkada joint Ventur, saldhigeedu noqoanayo Magaalada Dubai iyo Dalka Somaliland-ba. Shaqooyinka sida weyn ummadda Somaliland uga faa’iidi doonto mashruucan waxa kamid ah Managementka, Adminstration, Technicalka iyo Labour Jobs.

Waxaa iman doona Sharkado badan oo ka qayb galidoona qandaraasyada. (Open bid competition oo Services). Khadaamadka (Purchasing of Material) soo iibinta alaabta (Equipmets, Spare Parts and Consummables).

  1. A) Wadooyinka(Road Infrastructure):Waxay faa’iido inoogu jirtaa in ay dhinaca Dawladda Imaraadka oo ay matalayso Sherkada DP World, maalgalinta ay qayb ka tahay wado ganacsiyadeedkii Somaliland muddada dheer sugaysay ee Berbera Corridor, kaas oo isku xidhaaya dalka Itoobiya iyo Somaliland.
  2. B) Dalxiis (Tourism):Somaliland dhinaca dalxiiska wuxuu heshiiskani ku soo kordhinayaa koboc laxaad leh, iyadoo heshiiska uu qayb ka yahay dhismaha Huteel casriya oo soo jiidi doona dalxiisayaal badani inay dalka yimaadan..
  3. C) Dekadaha (Ports):In wejiga koowaad dekedda hadda jirta lagu sameeyo qalabayn, dayactir, hagaajin dhanka nidaamka, farsamadda iyo ammaanka (Security) ah oo ay ku baxayso ugu badnaan 62 milyan oo doolar. In wejiga labaad la bilaabo dhismaha iyo naqshadaynta deked cusub oo 400, oo mitir ah iyo barxad 25 hektar ah oo ay ku baxayso ugu badnaan 170 milyan oo Doolar. Wejiga sadexaad waxaa ku cad in marka isticmaalka Dekedaa cusubi gaadho 75% la dhiso 400-mitir oo kale iyo barxad kale oo 25, hektar ah, oo ku kacaysa iyana ugu badnaan 210 milyan oo Doolar.
  4. D) Beeraha (Agriculture):Waxa faa’iido inoogu jirta inay Dawladda Dubai tageero mugleh oo maalgalin iyo cilmiba ah ay inaga caawin doonto noocyada kala duwan ee Beeraha, gaar ahaan xagga qalabaynta (Selfreliance) xagga wax soo saarka siidhka.
  5. E) Laydhka iyo Tamarta (Electricty & Energy):Waxa Heshiiskani ku jira qodobo cadaynaaya inay Dawladda Dubai inaga caawin doonto oo maal galindoonto helida Tamar laga dhalin doono cadeeda iyo dabaysha. ( Solar Energy, And Wind Energy) iyo sidoo kale Mawjadaha Biyaha ( Hyydroelectric Energy).
  6. F) Kaydinta Shidaalka Iyo Dariiqa Shidaal Shubistiisa (Fuel Storage And Bunkering):Waxaa kaloo laynoo casriyen doona habka Kaydinta Shidaalka iyo dariiqa shidaal shubistiisa ee marakiibta ( Fuel storage and Bunkering) taaso suura galineysa in la keeno qalab casriya oo la jaanqaada kuwa dawladaha hore u marey.
  7. G) Adeega ka caagan Cashuuraha (Free Zone):Waxa heshiiska ku jira in laga sameeyo Free Zone magaalo xeebbeedka Berbera, kaas oo noqonaaya goob alaabta ganacsiga ah la dhigo, looguna talo galay in dib loo farsameeyo oo laysku xidhxido (Assembling) ama dib loo sii dhoofiyo ( Re-export) Adeegeni wuxuu keenaya kobax dhqaale oo dhinaca wershadaha ah, taas oo shacbi ahaan iyo Dawlada yeelan doona isbadal ku yimaada, iyadoo lacago adagina ka soo galidoonaan (Hard Currency).
  8. H) Dhinaca Suuqa dhaqaalaha (Market Economy):Hadafka ugu weyn ee Somaliland leedahay waa inay marin u noqoto waddamada Jaarka oo ay ugu weyn tahay Dalka Itoobiya, kaas oo ah waddan dadkiisu gaadhayo 90 Million 2) Sidoo kale Koonfurta Sudan oo iyana ah dal aan bad lahayn, dadkiisuna gaadhayo 13 million, iyana marin ayay Somaliland u noqon doonta. Dalka Kenya ayaa isna qayb ka noqon doona, in kasta oo uu badleeyahay. Dhammaan suuqa ganacsi wuxuu furmaya marka DP World hawlaheeda shaqo bilawdo, halka iminka %2, uun Itoobiya wax soo marsato dhinaca Somaliland, waxa iman doona korukacaas suuqa ganacsi ah.
    Waqtigan waxa Dekadda Berbera ka soo daga wax aan ka badnayn 40, 000, oo Koontiinar sannadkii (containers). Halka Dalka Jabuuti ay ka soo degaan 900, 000/ oo koontiinar sannadkii. Shan sanadood gudahood waxa la saadaalinaya in DP World ay gaadhsiin karto soo dagista Containerada kasoo Deega Dekada Berbera ee Jamhuuriyada Somaliland ilaa 600, 000 kun oo Conatiner.

cismaanGebo gebadii: Heshiiskani wuxuu sidoo kale suurto gal ka dhigidoona fududaynta u safrida Dalka Imaraadka oo ganacsatadeenu baahi weyn u qabto, iyadoo ay suurtoobi doonto in lagu tago Baasaboorkeena.
Ugu dambeyntii wuxuu heshiiskani tiir kale oo adag u dhigayaa dhinaca ganacsatada iyo Bulshada Somaliland siday uga faa’iidasanayaan Heshiiskan in la dhiiri galiyo maal-gashiga Khaaska ah (Private Investment) Iskaashigaasoo dhigaya ganacsatada mataleysa labada shacab iyo booqashadoodu inay noqoto mid rasmi ah, lana marti qaado doono Ganacsatada, maal-gashadayaasha (Investors) labada dal si kor loogu qaado ganacsida iyo xidhhika labada dal iyo dad waa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (Republic of Somaliland and UAE Government) ka dhaxeeya.
Qalinka: Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax
Khabiir Ku Xeel Dheer Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Xidhiidhka Caalamiga ah

Comments are closed