Akhri Tiro-koobka Rasmiga ah ee Laga soo Saaray Xujayda Sanadkan Ku Geeriyootay Gudashada Rukniga Xajka
Riyad:Oct,13,2014,2014(SDN/QJ)-Kadib toddobaad kadib markii ay soo dhamaatay gudashadii waajibka xajka ee sanadkan, ayey dawladda waddanka sucuudigu soo saartay tiro koob ay ku sheegayso tirada sanadkan ka dhimatay muslimiintii u soo kicitay gudashada xajka.
Wasaaradda caafimaadka Sacuudiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in 133 ruux oo Xujay ahaa ay ku geeriyoodeen magaalooyinka Maka iyo Madiina kadib ay la kulmeen dhibaatooyin caafimaad.
Madaxa hay’adda Tawafa ee qaabilsan arrimaha xajka oo la yidhaahdo Faysal Nuux ayaa sheegay in Xujayda geeriyooday ay u kala dhasheen wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Sudan, Ciraaq, Jordan, Algeria, Morocco Yemen iyo Mauritania.
Tirada Soomaalida Xajka ku dhimatay si gaar ah dawlada Sacuudigu uma aysan sheegin, waxase la filayaa inay dhinteen tiro kooban oo kadmid ahayd dadkii soomaalida aha ee xajka aaday.
Wakaaladda wararka ee Arab News ee Sacuudiga ku taala ayaa iyana ku waramaysa in 213 ruux la dhigay goobaha caafimaadka kadib markii ay xanuunsadeen sida laga soo xigtay wasaaraddaha caafimaadka iyo Xajka ee dalka Saacudiga.
In ka badan 2 million oo ruux oo Muslimiin ah ayaa sanadkan Sacuudiga tagay si ay waajibaadka xajka u gutaan dadka ugu badana waxay ka tageen dalka Masar.
SDN/QJ