Akhri Tirada Xilalka Saddexdii Madaxweyne Ee Hore Boolahooda Siiyeen Iyo Midda Madaxweyne Siilaanyo U Xantoobiyey Beeshiisa
Hargeysa:Mar,20,2015(SDN/QJ)-Saddexdii Madaxweyne ee Ka horreeyey madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka sinnaa Hal astaan oo ahayd inaanay taariikhda ku gelin qabyaalad ee eex reerimo, waxana xukunkoodii salka ku hayey inay Deegaanada ay kasoo jeedaan si gaar ah u cadaadiyaan, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa ged intaas hore ka duwan lagu arkay, isla-markaana noqday Hoggaamiye xilalkii ugu badnaa ku taxay Shakhsiyaadka ay isku beesha yihiin.
Taariikhda Qoran, ayaa laga waayey madaxweyne Kaliya oo beeshiisa siiya inta Maanta Madaxweyne Siilaanyo siiyey, waxana Haatan lagu baraarugay dib ucurashada aafada qabyaaladda oo xilligan waddanka si weyn uga aloosan, iyadoo sababteedana loo nisbaynayo madaxweynaha oo Qabiilkiisa isku dubarritay, taasina keentay inay qabiilo kale oo badanina midoobaan.
Xilalka qaranku waxay noqdeen kuwo qaybintoodu ku salaysan tahay Xididnimo iyo Xigaal, waxaana lumay xulashadii masuuliyad ku dhisan Aqoon, Karti iyo Hufnaan.
Magacyo ka miisaan iyo Saamayn balaadhan madaxweynaha qaranka ayaa iyaguna Somaliland ka noqday wax ugub oo aan hore uga dhex jirin Xukuumadihii Madaxweyneyaashii Siilaanyo hortii.
Kasokow waxyaabahaasi tan ugu daran ayaa ah mida keliya ee ay ku dhici kari waayeen kana digiigixdeen dhamaanba madaxweynayaashii, Tuur, Cigaal iyo Rayaale, taaso ah in midkoodna damiirka iyo dareenkooda madaxtinimo u saamixi waayey inay awoodooda madaxtinimo ku macaashiyaan beelaha ay kasoo jeedeen, una sed-buriyaan ardaayadoodii si aan xad lahayn Xilalka qaranka, halka manta Madaweyne Axmed Siilaanyo ka noqday madaweynihii ugu horeeyey Somaliland soo mara ee beeshiisa gacanta ka saara awoodihii kursiga madaxtinimo sidoo kalena Xilalka golaha Xukuumadiisa sadex meeloodow meel 1/3 u xantoobiyay Beeshiisa.
Kolka hore aynu wada daalacano tirada iyo awoodaha ay kala lahaayeen xilalkii Madaxweynayaashii hore xukuumadahoodi ka kala siiyeen beelihii ay kazoo kala jeedeen, si’aynu u wada fahmi karno halka sartu ka qudhuntay, iyo sida afarta madaxweyne Cadaalad ahaan Xus iyo Xasuusba u kala mudan yihiin Qaranka Somaliland iyo taariikhda iskeed isu qortaba.
Sanadihii 1990 ayey ahayd Somaliland xiligii ay la wareegeen gebi ahaanba dagaalyahnadii ururkii dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee “SNM” waxaa xiligaasi kadib Madaxweyneka noqday Somaliland Alle haw naxariistee Madaxweynihii u horeeyey Somaliland oo ahaa halgamaagii weynaa ee Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” isla markaasina ahaa Gudoomiyihii SNM .
Marxuum Madaxweyne Tuur waxa uu kasoo jeeday qabiil ahaan Beesha Isaaq/ habar Yoonis waxaanu isla markii uu xilkaasi qabtayba soo dhisay Xukuumad ay ku midaysan yihiin kana wada muuqdaan dhamaanba beelaha somaliland, islamarkaasina lagusoo dhisay shir weyne ay goob joog ka ahaayeen siyaasiyiin maanta Somaliland dhexdeeda ka yagleelay maamul goboleedyo laga aqoonsan yahay dawlada federalka Somalia.
Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Tuur xiligaasi beesha uu kasoo jeedo ee Habaryoonis oo kamid ah beelaha ugu tirada badan Somaliland gebi ahaanba golihii Xukuumadiisa waxa uu beeshiisa kasiiyey laba Xil oo keliya , xilalkaasi oo ahaa Wasiirkii wasaarada Dib udejinta iyo Wasiirka wasaarada beeraha oo kala ahaa siciid Maxamed Nuur “ilko maleh” Iyo Xasan Aadan Wadaad-diid.
Madaxweynihii labaad ee Somaliland taladeeda gacanta ku qabtay waxa uu ahaa Siyaasigii Ruug cadaaga ahaa ee sida weyn saamaynta Togan iyo mida Taban’ba ku lahaa Siyaasada mandaqada Geeska afrika iyo Soomaalidaba Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo qabiil ahaan kasoo jeeda Beesha Isaaq/ Ciise muuse.
Madaxweyen Cigaal Alle haw naxariistee xili aan wax badan kaga duwanayn wakhtigii C/raxmaan Tuur qabtay talada dalka ayuu kusoo beegmay, waxaana Xukuumadiisi ka hor yimi mawjado iyo Xiisado hirdamaya oo ay hogaanka u hayaan jabhadii hubaysnayd ee SNM oo intooda badani hubka gacanta ku hayey iyo kooxo beeleedyo iyaguna hubaysan.
Qormadan iyo ujeedkeeda inagoon ka talaabayn bal isna dul istaagno Madaxweyne Cigaal Xilalka qaran ee beeshiisa uu kasiiyey Xukuumadiisa, Cigaal iyo Tuur waxay ahaayeen shakhsiyaad kasiman nacaybka, Xigtaysiga, Xulufaysiga, Cunsuriyada iyo Caadifada ku salaysan Isirkiyo Qabiilka.
Alle haw naxariistee waxaa Madaxweyne Cigaal xiligaasi bilow iyo dhamaad beeshiisa Ciise Muuse Xukuumadiisi uga ogolaaday hal Xil kaaso aan marleyba gaadhin darajada Wasiir Buuxa, ugu horeyn waxaa Marxuum Cigaal Beeshiisa u magcaabay wasiir kuxigeenkii Beeraha oo uu ka dhigay nin la oran jiray Cabdillaahi heneri, Mudo kadib kolkii xilkaasi Mudane Heneri ka dambeeyeyna, waxaa marxuum Cigaal sidoo kale Wasiir kuxigeenkii Qorshaynta Qaranka u magcaabay Mudane Axmed Maxamuud Baag oo buuxiyey jagadii uu beesha Ciise Muuse hore Xilkeeda uga hayey Xukuumadii Cigaal C/laahi Heneri.
Kolkaad fiiriso labadaasi Masuul ee xiliyadaasi u kala dambeeyey talada madaxtinimada Somaliland ma a jirin wax agaasimayaal wasaaradeed ah oo beeloohda siiyeen sidoo kalena may jirin Cid taqaanay magacyada Caruurtooda, iyo kuwa la xididka ahba, xataa dhimashadoodi mooyaane lama aqoon marwooyinkoodi lagamana arki jirin fagaarayaasha iyo meelaha layska daawado.
Waxay labadooduba astaan u ahaayeen fikirka kala fogaynta Qabiil iyo Qaran waxay kaloo hormuud u ahaayeen hanashada shacab ka madax banaan Cunsuriyada, kala jeclaysiga iyo qolo-qolaynta bulsho Calan iyo Ciid wadaag ah, Cigaal iyo Tuur Alle haw naxariistee waxaa hogaamintoodi noqotay mid weli Quluubta shacabka reer Somaliland siweyn u xasuusato oo lama hilmaamaan ah.
Daahir Rayaale Kaahin waxaa uu ahaa Madaxweynihii Sadexaad ee talada Somaliland Haaneeda, waxaanu qabiil ahaan kasoo Jeeday Beelweynta Gadabiirsi/Samaroon.
madaxweyne Rayaale waxaa uu ahaa shakhsi u saaxiib ah dulqaad iyo deganaansho kana badhaxtiran shakhsinimo loo nisbeeyo qabyaalad iyo qolotoona, Rayaale waxaa kaloo lagu xasuustaa soodhaweynta iyo midaynta dhamaanba beelaha Somaliland, Siyaasad ahaana waxaa u suurtagashay isku ahaynta iyo midaynta shacabka Somaliland oo uu isugu sii hayey sidii ay usii kala dhaxleen isku haynta reer Somaliland labadii Madaxweyne ee isaga ka horeeyey.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Xukuumadiisi oo ahayd mid cidkastaaba iska dhex aragto bulshada darafyada Somalilandna kuwada qanacsan yihiin waxaa uu beeshiisa Xilalka uu siiyey ay ahaayeen Sadex Wasiir oo keliya maadama beel ahaan iyo magac ahaanba ay lasiman yihiin beelaha kale ee Somaliland waxaana Xilalka wasiiradaasi kala ahaayeen:-
Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta, waxa wasiir ka ah Md. Axmed Xaaji Daahir Aw-Cilmi (Maxad Case-Samaroon)
Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha. Md. Cabdi Xasan Buuni(Habar-Carfaan- Samaroon).
Wasaaarada Macdanta iyo Biyaha, Md. Qaasin Sh. Yuusuf(Makaahiil-Samaroon).
Aan usoo noqono maanta iyo Madaxweynaha talada haya, Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo, Qabiil ahaan waxa uu kasoo jeedaa Beesha Isaaq/Habarjeclo, waana madaxweynihii afraad ee soo mara Somaliland, Axmed Siilaanyo ka hor intaanu gacanta ku dhigin kursiga madaxtinimada Somaliland oo uu ku fuulay Cod aqlabiyad ah oo shacabka Somaliland ku doorteen waxaa dadku u yaqaaneen beesha uu kazoo jeedaana kolka ay amaanayaan dadka kale ku oran jireen Siilaanyo waxa keliya ee uu ka madax banana yahay waa qabyaalada, mana aha nin qabiilkiisa ku gacansiin doono xaqdaro iyo boob hadii uu kursiga helo.
Aan tiro ahaan dib u muujino xilalkii beelaha ay kasoo jeedaan kala siiyeen Sadexdii Madaxweyne ee hore usoo maray Somaliland.
1-M. C/raxmaan Axmed Cali “Tuur” 2 xil oo keliya
2-M. Maxamed Xaaji Ibraahim “Cigaal” 1 xil oo hadba kii taga mid kale buuxiyo
3- M. Daahir Rayaale Kaahin 3 xil oo keliya
Iyadoo sidaasi ay u kala cadahay Cadaaladii sadexdii Madaxweyne ee hore iyo isku dhawaanshahoodi la hal maalay ku garsooritaankii bulshada ee kursiga madaxtinimada dalka, bal aan Madaxweyne Siilaanyona Xukuumadiisa dul sudhno Kafadaha iyo Miisaanka Cadaalada, inagoon xaqna ka gelayn, xumaana u geysanayn, bal ila tiriya Xilalka, isagoon u loo meel deyin Madaxweynuhu u Xantoobiyey Beeshiisa.
1-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xisri X. Cali Xasan
2-Wasiirka Wasaarada Dib udejinta Cali Siciid Raygal
3-Wasiirka Wasaarada Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi
4-Wasiirka W. Macdanta iyo Khayraadka Xuseen Cabdi Ducaale
5-Wasiiru Dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare Axmed Nuur Faahiye,
6-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Jaamac Cabdilaahi Biin
7-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Kaluumaysiga Maxamed X. Aadan Cilmi
8-Agaasimaha Guud ee Wasarada Caafimaadka Yuusuf Cali Ardo
9-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Saleebaan Jaamac Diiriye
10-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Khayraadka Biyaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur
11-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada Cuntada Cali Biikolo
12- Maareeye Kuxigeenka Dekeda Berbera
13-Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Somaliland
Xigasho:Togdheernews
SDN/QJ