|

Akhri Tirada Ciidamada AMISOM Kaga Dhimatay Gudaha Somalia Tan iyo Sanadkii 2009-kii

Muqdisho:Sep,20,2015(SDN/QJ)-Hay’ad cilmi-baadhiseed oo xarunteedu tahay dalka Sweden, ayaa soo bandhigtay tirade ciidamada AMISOM katirsan ee Gudaha Somalia lagu dilay tan iyo sanadkii 2009-kii oo ahayd markii ugu horraysay ee ciidankaasi soo galaan gudaha dalka Somalia.

dieHay’adda soo bandhigtay tiradan ayaa ku sheegtay in ay gaadhayaan 1,100-Askari, kuwaasoo aan ku jirin ciidamada ku dhinta shilalka iyo xanuun balse ay yihiin kuwo ku dhintay iskahorimaadyo iyo qaraxyo.

Proffesor. Paul Williams oo ka tirsan Jaamacada caanka ah ee  George Washington University ayaa sheegay in cilmi baadhista ay tahay mid wax ku ool ah isla markaana qeexaysa tirada ugu yar ee ka dhimatay ciidamada AMISOM.

Ciidamo gaadhaya 69-askari oo ka mid ah tirada la soo bandhigay ayaa la diley sanadkii hore ee 2014. Cilmi baadhista ayaa lagu ogaaday in 384 askari ay dhinteen sanadkii 2012-kii halka sanadkii 2011-kiina ay ahaayeen 94 askari tirada laga diley AMISOM.

Prof Williams ayaa sheegay in tirada la soo bandhigay aanay ku jirin ciidamada dalka Kenya ee ka qeybgalay howlgal la magac baxay Linda Nchi, taasoo ay ciidamada Kenya ay iskood u qaadeen sanadihii 2011 iyo 2012.

Sidoo kale tirakoobka ayaan lagu soo darin ciidamada Ethiopia ee la diley intii u dhexeysay dhamaadkii 2011 iyo horaantii 2014 xilligaas oo ay ciidamada Ethiopia aanay ka mid ahayn ciidamada AMISOM. Hay’ada Sipri ee soo saartay warbixinta ayaa sidoo kale aan ku soo darin tirada labadii sano ee ugu horeysay ka dhimatay ciidamada AMISOM.

AMISOM ayaa howlgalkeedii ugu horeysay waxa ay ka bilawday dalka Soomaaliya sanadkii 2007-kii iyadoo ciidamadii ugu horeeyay ee ka koobnaa 1,600 askari ay yimaadeen magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya. Hase yeeshee tirada ayaa haatan waxa ay gaadheen illaa iyo 22,000 oo isugu jira Milatari iyo Boolis.

Sahanka uu sameeyay Proff Williams ayaa waxa uu ku ogaaday in 110 askari oo Ugandese ah ay  iyo 95 askari ee dalka Burundi ka soo jeeda ayaa lagu diley intii u dhexeysay March 2007 iyo February 2012.

 

 

SN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed