Akhri Sababta Shabaabku u Gawraceen Odayga 60-Jirka ah ee Ku Noolaaa Magaalada Barawe
Barawe:Oct,18,2014(SDN/QJ)-Waxa soo Baxaya warar daaha ka Faydaya sababta rasmiga ah ee Kooxda Al-shabaab ay qoorta uga jareen Oday da’ ahaa oo ay habeen hore gurigiisa kala baxeen kadibna qoorta ka jareen.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay shabaabku wali awood ku leeyihiin magaalada, isla-markaanna ay shacabka ku hayaan cuno qabatayn iyo haddidaad joogto ah, gaar ahaan cidda ay u arkaan inay dawladda wada shaqayn la leedahay.
Odayga la gawracay, ayaa hormood ka ahaa dadkii ciidamada Huwanta ah kusoo dhaweeyey magaalada Barawe, waxana shabaabku ku hayeen Dabagal joogto ah.
Dadka Degmada ayaa noo sheegay in Odaygaasi Ujeedka ay Al-shabaab Qoorta uga jareen ay tahay ka dib markii uu hadal ka jeediyay Munaasabad ka dhacaday Baraawe oo Mas’uuliyiinta Dowladda ay Dadka kula hadleen,isagoona sheegay in uu soo dhaweenayo Nidaamka Dowladdnimo.
Tallaabada ay Kooxda Al-shabaab ku dileen odaygan, ayaa waxa ay cabsi gelisay dhammaanba dadka Halkaas ku dhaqan, waxana haatan yaraaday Shakhsiyaadkii sida Badheedhka ah ula shaqaynayey ciidamada Huwanta ah, maadaama ay ogaadeen in dabagal lagu hayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com