|

Akhri Nuxurka Dood Adag Oo Ay Jilbaha Isku Dareen Hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi ee Somaliland Iyo Guddoomiyaha Kulmiye Oo Ku Adkaystay In Guurtidu Go’aankoodii ku Adkaysteen

Hargeysa:June,26,2016(SDN/QJ)-Dood xiiso badan oo aad u adag, ayaa Habeenkii xalay ahaa ay foodda isku dareen Hoggaamiyahaasha saddexda Xisbi ee Somaliland, waxana siyaabo kala fogfog loo cabiray aragtiyo is haya oo dalka lagaga saari karo xaaladda uu haatan ku jiro.

doodeDooddan oo uu Telefishanka Star TV isku dubo ridday, ayaa Saddexda Guddoomiye afkaartooda ku muujiyeen, waxana si weyn looga dareemay Saansaan muujinaya in  madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ku qanceen muddo-kordhintii Guurtidu samaysay oo buuq badani wali  ka taagan yahay.

Sidoo kale marka laga cabir qaato Doodda uu fagaaraha la tegay Guddoomiye Muuse Biixi, waxa aan wax rajo ah loo haynin inuu midho dhalo heshiiskii ay xukuumadda iyo Axsaabta qaranku ka gaadheen buuqii mucaaridku ka sameeyeen Muddo-kordhintii Guurtida, iyadoo Guddoomiyaha Kulmiye  hoos u dhigay muhiimadda heshiiskaas.

Doodda inteeda Badan waxa ku leexaysanayey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye, waxana Hadalkiisu aad u koobnaa GUddoomiye Cirro oo taxadar badani ka muuqday.

Ugu horrayn waxa doodda lagu bilaabay Aragtiyo laga dhiibtay kala saaridda xisiga iyo xukuumadda, taas oo uu Guddoomiye Muuse si weyn u difaacay, isla-markaana muujiyey inuu jiro xisaabtan xukuumadda iyo xisbigiisa ka dhexeeyaa, “Kii ugu dambeeyey Udub buu ahaa oo xukuumaddiii iyo xisbigii way israaceen, haddii xisbiga iyo xukuumaddu kala gaar ahaan lahaayeen inay kala hadhi lahaayeen, anagu waanu tijaabinay in labadaas la kala saaro, guulna way keentay oo xisigii iyo xukuumaddii way isxisaabiyaan waana ta aad u taqaaniin dhaliisha ee aad tidhaahdaan Kulmiye wuu is haystaa.wayna ka yimaadeen dhaliilo u baahan in dib loo saxo.”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isagu si weyn udhaliilay hannaanka ay udhaqmaan Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka xisbiyada uga soo baxa udhaqmaan, waxana uu ku tilmaamay qaar dhuunigooda uun ka fikira marka ay soo baxaan, “Dalkan sharcigu ma shaqeeyo gaar ahaan Shantii sano ee Dawladdani jirtey, xildhibaanadana marka aanu soo saarno ayaa noogu dambaysa, mana hayno awood aanu ku ilaalino Distoorkii ilaalinayeyna Madaxweynihii ma ilaalinayo, markaa Xildhibaanku Halkii ay Arsaakhi taallo ayuu tagaa Marka labada Xisbi ee kale ayaa u badanoo midna Maqalkii Dawladduu Haystaa midna Kii Baarlamaanka.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe,

Eedda dibu dhaca doorashada cidda iska leh, ayaa si weyn la iskug tuur tuuray, waxana ugu horrayn ka Hadlay Guddoomiye Muuse Biixi, waxana uu yidhi,“Eedda Did-udhaca Doorashada Waxa iska leh Ciddii sharcidejinta inoo qaabilsanayd oo uu ugu horreeyo Cabdiraxmaan Cirro, sababtoo ah Doorashadu waxay dib ugu dhacday Sharciyadoo daahay”

Guddoomiye Cirro, ayaa eedahaas iska difaacay, waxana uu dusha ka saaray Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu Hawshaas isagu iska lahaa, waxana uu yidhi,“waddanku madaxweynuu leeyahay isagaana distoorka iyo xeerarka ka masuul ah,2013-kii markii aanu aanu Bilownay Hannaankii  Doorashadu xilligeeda ku qabsoomi lahayd Saddexda Xisbina si fiican bay ula shaqeeyeen, laakiin xukuumaddu markii ay aragtay in doorashadu soo dhawdahay, ayey Haanbireegga u Jiidday oo carqalado badan bilowday.xilka qabashada doorashaduna waxa uu saarnaa Madaxweynaha.”

Guddoomiye Faysal ayaa isaguna Muujiyey aragti ku dhaw midda Guddoomiye Cirro, waxana uu yidhi,“meesha waxa taalla xil-gudasho la’aan, Haddii sharciga la ilaalin lahaana Baylah badani ma timaaddeen, eedduna waxay saaran tahay Dawladda Madaxweynaha ayeyna si gaar ah u saaran tahay oo ma qaybsanna.”

Guddoomiye Cirro ayaa isagu xukuumadda ku dhaliilay fulin la’aanta heshiiskii dhawaan ay Axsaabta kula gashay Muddo-kordhiintii Guurtida ee ay saluugeen, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi, “in maanta lasoo gaadho maxaynu 26-ka June yeelnaa ma ay ahayn hawlihii lasoo wadayna waxa ugu dambaysay gogoshii madaxweynuhu dhigay eek u saabsanayd in la xalliyo murankii ka dhashay muddo-kordhintii Guurtida, Hawl kadibna wax aka dhashay heshiis, kaas oo ahaa in Doorashada la qabto December 2016-ka, xukuumadduna ilaa maanta wax tallaabo oo ay qaadday si heshiiskaasi u fulaa ma jirto.axsaab ahaanna waxanu jecelahay inaanu go’aan midaysan kasoo saarno”

Guddoomiye Faysal oo Doodda kusoo laabtay, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda, waxana uu soo jeediyey in la iskugu yimaaddo Sida muddo-kordhitna loo samayn  lahaa,“dalkii wuu degayaa haddii aan maanta talo la iskugu iman, Dawladdii dhegahay furaysatay iyadiina waxba ma dhaqaajinayso oo waa la seexanayaa oo waa la soo toosayaa, markaa haddii Dawladdaas Wakhtiga la kordhinayo la iskugu iman waayo oo laga wada tashan waayo cid kursigaas laga xigaa ma jiro, waana halkii aan maalintaas maalineedii lahaa Axmedow ii daa” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxana uu intaas ku daray,

“27-ka Jully  horteed haddaan wada tashi la iskugu iman annagaa shirayna oo Dawlad wadaag ah baanu samaynaynaa oo tii aniga iyo Axmed aanu ku hanjabi jirney baanu samaynaynaa, Bal Cidda laga xoogga weyn yahay ee Dhegaha laga furaysanayo halla arkee.”

Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ay dooddu halkaas maraysay si cad u sheegay in Guurtidu sharciga u martay Muddo-kordhintii ay samaysay, isla-markaana Heshiiskii axsaabta iyo xukuumaddu ahaa xal siyaasi ah, waxana uu yidhi,“innnagu awood sharci umaynaan lahayn aynu ku beddelno muddo-kordhinta Guurtidu samaysay, waxase aynu keenay xal siyaasi ah, sharciguna guurtiduu siiyey awoodda muddo-kordhinta, Guurtidiina Madaxtooyadii, xukuumaddii iyo Xisbiyadiiba waxay la hortaagan tahay SIfo sharci ah baanu marnay.”

Guddoomiye Cirro oo ka Hadlayey meesha khaladku ka yimi, ayaa yidhi,“halka ay wax ka khaldan yihiin waa wixii lagu heshiiyey oo aan fulaynin, Computorradii Komishankuna waxa ay u fadhiyaan oo sugayaan Wakhtigii doorashada.”

Muuse biixi, ayaa isagu si toos ah ula Hadlay Guddoomiye Cirro, waxana isagoo talooyin siinaya uu yidhi,“ninka looga Baahan yahay inuu Guurtida qanciyaa waa Adiga’e(cirro) orodoo  kasoo dhammee Guddoomiye Saleebaan inuu inaga aqbalo wixii aynu ku heshiinay waa Haddaad doorasho doonayso.”

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu xalka lagaga bixi karo arrimaha taagan ku sheegay sidatan,  “xalka waxan u arkaa inuu heshiiskii la galay uu fulo, furaha arrimaha ina horyaallaana waa isaga uun, aniguna markii hore waan ka biyo diidsanaa heshiiska, laakiin danta umadda ayaanu ugalnay, waxana aanu rajaynaynaynaa dhakhsihii uu markii hore ku socday ee uu muuse ku waday ee Gacmaha noo maroojinayey inuu imika ka yara gaabiyey.”

Faysal Cali waraabe, ayaa si weyn uga dayriyey tayada Xukuumadda jirta iyo awoodeedaba, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“Dawladdani waa danley, dawlad danley ah oo dan gaar ah wadatana dalkan lagu eegi kari maayo, dalkana lagu eegi maayo 52-wasiir oo iska fadhfadhiya oo aanu midna mid maqlayn oo aan hoggaan hagaagsan lahayn.”

Faysal oo Hadalkiisa sii wata, isla-markaana farriintiisa Guddoomiye Muuse ku socodsiinaya, ayaa waxa uu yidhi,“Muusow arrinta inoo taalla way ka weyntahay doorashada, Dawladdeenani Dekedaa berber wallaahi ma saxeexi karto, Bankii Goolcadey hallaga sameeyo la yidhi, ayaa socon waayey oo qaar ciida-gale ah oo doonaya inay qaataan yidhaahdeen indha-deeraa la siinayaa.”

Guddoomiye Muuse Biixi oo la weydiyey musharraxa Xisbigiisa, ayaa sidan ku jawaabay,“Madaxweynahaa noo musharrax ah isagaana la doortay, Dawlad wal iyo xisbi waloo soo baxaba madaxweynahaa noo musharrax ah.”

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed