|

Akhri Nuxurka 4-Qodob Oo Laga Soo Saaray Shir Degdeg Ahaa Oo Golaha Xukuumaddu Xalay Ka Yeesheen Qaraxii Shalay

Muqdisho:Feb,21,2015(SDN/QJ)-Kadib Kulan degdeg ahaa oo xalay Golaha Xukuumaddu ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada, ayaa lagu lafa guray Weerarkii lagu laayey masuuliyiinta ee shalay ka dhacay Hutel Central ee Magaalada Muqdisho.

crrShirkan oo ahaa mid uu Guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa laga soo saaray Qoddobo Afar ah, waxana la saaray Guddi  soo baadho sidii wax u dhaceen oo noqotay mid lama filaan ah.

Falkaas waxaa loo adeegsaday gaadhi ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo nafti halige is qarxiyay. Dhacdadaas argagixiso waxaa ku geeriyooday 25 qof inta la xaqiijiyay oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin, kana mid yihiin 2 Xildhibaan, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir, masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay in ka badan 40 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada waxaa lagu go’aamiyay:

1. Cambaarayn weerarkii wuxuushnimo ee lala beegsaday shacab iyo mas’uuliyiin dawladda ah.

2. U tacsiyayn shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday falkaas argagixiso.

3. Dhisid guddi Wasiirro oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga hawlgalaan taakulaynta dadka ay waxyeeladu soo gaadhay.

4. Dhisid Guddi Amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baadhitaan ku soo sameynaya falkaasi, si loo qaado tallooyinka xiga.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed