|

Akhri Magacyada Shirkadaha lagu wareejiyey Haamaha Shidaalka Berbera Iyo Cidda Hoggaaminaysa

Berbera:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waxa Gudaha Aqalka Madaxtoyada lagu saxeexay Heshiis Haamaha shidaalka Berbera loogu wareejinayo Shirkado gaar loo leeyahay, kuwaas ugu yaraan Soddonka sano ee Soo Socda Gacanta ku hayn Doona, sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qurbejoog.com.

shidoShirkadahan oo iskugu jira qaar cusub iyo kuwo dalka hore shidaal u keeni jirey, ayaa waxa kamdi ah Shirkadaha Red Sea, Hass, Som Petrolium, Som Oil, Liibaan Petrolium, Al-waarid Perrolium iyo Waliba Waraabe Petrolium.

Inta Badan shirkadahan lagu wareejiyey Maamulka Haamaha SHidaalka Berbera, ayaa waxa  hormood u ah saraakiil xukuumadda katirsan oo usoo dhiilo dhaansaday xantoobsiga Hantida umadda iyo waliba xubno Qoyska Madaxtooyada katirsan oo caan ah.

Warkan sheegaya in Haamaha shidaalka la wareeiyey, ayaa waxa si rasmi ah u xaqiijiyey Wasiirka Ganacsiga Mudane Muuse Qaasim, bale ma uu faahfaahin cidda lagu wareejiyey.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed