|

Akhri Magacyada Saddex Gacan-ku-dhiigle Oo Maxkamadda Ciidamada Gobolka Sool Xukunno Dil ah Ku Ridday

Lascanod:April,14,2015(SDN/QJ)-Maxkamadda Ciidamada Derejada Labaad ayaa Shalay xukunno dil ah ku ridday Saddex Eedaysane oo Maxkamaddu ku heshay Kiisas dilal ahaa oo ay hore ugu geysteen Askar ciidanka ka tirsanayd.

sicrXukunka oo shalay ka dhacay Xarunta Maxkamadda Ciidamadu ku leedahay Magaalada Laascaanood, ayaa waxa ku dhawaaqay Gaashaanle sare Maxamuud Xirsi Faarax  oo katirsan Maxkamadda Ciidamada qaranka, waxana uu ku dhawaaqay  kiisaska raggaas la xukumay ay galeen, “Waxanu saaka qaadnay saddex dacwadood oo saddexduba yihiin dil ula kac oo badheedh ah lagana dhex geystay ciidanka dhexdiisa iyo ciidanka agagaarkiisa, dacwadahaasna waanu xukunnay.” Ayuu yidhi Maxamuud Xirsi.

Saddexa Nin ee Xukunka dilka ahi ku dhacay, ayaa la xaqiijiyey inay qudha siyaabo kala duwan uga jareen Askar ciidanka ka tirsanayd, kuwaas oo ay qaarkood ku laayeen Xeryaha Ciidamada dhexdooda.

Magacyada Saddexdaas Nin ee Maxkamaddu ku caddaysay Dembiyada dailka ah ee loo Haysto, ayaa kala ahaa sidatan.

Ismaaciil cabdi Cali Mahad

Cabdi Cali Cabdilaahi Sugaal

Mustafe Saalax Samatar Diiriye oo ah Gacan-ku-dhiigle dhawaan Xerada Ciidanka Gambadha ku laayey Askar.

Waxa xusid mudan in maalintii shalay xukunno qisaas ah lagu fuliyey Lix Gacan-ku-dhiigle oo qaarkood ciidanka Qaranka iyo Booliskaba ka tirsanaayeen, kuwaas ooh ore u laayey dad.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed