Akhri Magacyada Maxaabiis Maamulka Puntland Ku Ridday Xukunno Iskugu Jira Dil, Xabsi dheer iyo Saamaxaad
Garowe:Oct,14,2014(SDN/QJ)-Ugu yaraan Lix Eedaysane oo Gacanta ugu jira Maamulka Puntland, ayaa Maxkamadda Ciidanka Qalabka sidaa maalintii shalay ay ku ridday Xukunno kala duwan oo iskugu jira dil, xabsi dheer iyo saamaxaad.
Dadkan ayaa la sheegayaa inay dhammaantood ku eedaysnaayeen xidhiidho hoose oo ay la lahaayeen ururka Al-shabaab, kuwaas oo muddo Kiisaskoodu ka furnaayeen Deegaanadaas.
eedaysanayaasha Shalay Maxkamadda la horkeenay ee qaarkood Dilka Toogashada ah lagu xukumay waxaa ay kala ahaayeen:-
1-Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale.
2-Daa’uud Aadan Ibraahim.
3-Faarax Axmed Maxamed.
4-Salmo Cali Maxamed.
5-Cabdiweli Cabdullaahi.
6-Saacad Aadan Cabdullaahi.
Ka dib markii Baadhis ay samaysay Maxkamaddu sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda C/fataax Xaaji Aadan, waxaa ay ku dhawaaqday go’aamada ay maxkamaddu ka qaadatay eedaysanayaashaasi.
1:- Waxaana uu sheegay in Ismaaciil Cabdulqaadir Jimcaale lagu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii Maxkamaddu ku heshay dambi ahaa in Ciidama ammaanka Magaalada Boosaaso ay gacanta ku soo dhigeen, 24/4/2014 xilli uu badhtamaha Magaalada ku aasayey miino uu doonayey in dad ku dhintaan.
2:- Daa’uud Aadan Ibraahim ayuu Gudoomiyaha Maxkamaddu sheegay in lagu Xukumay 5 sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay in Ciidamada Difaaca Puntland ay kasoo qabteen Aagga Buuralayda Galgala gaar ahaan goob Qarax lagula eegtay Ciidamo dowladda ka tirsan.
3:- Saacad Aadan Cabdullaahi ayuu Gudoomiyaha Maxkamaddu sheegay in Xukunkiisa dib loo dhigay,oo marka laga soo baaraan dago Maxkmadda dib loo horkeeni doono.
Eedaysaneyaasha Maxkamaddu siidaysay ee xorriyadoodii dib u helay waxaa ay kala yihiin:-
1-Faarax Axmed Maxamed.
2-Salmo Cali Maxamed.
3- iyo Cabdiweli Cabdullaahi ayaa Maxkamdu ay fasaxday,kuwaas oo laga soo qabtay Guriga uu daganaa Ismaaciil Cabdulqaadir Jicmaale oo Maxkamadu ay dil ku Xukuntay,waxaana saddexda eedeysane oo ay ka mid tahay Xaaska Eedeysanihii Dilka lagu Xukumay ay ka dharateen inay wax ka ogaayeen falka lagu soo qabtay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com