Akhri Magacyada Labadii Ruux Ee Fuliyey Qaraxii Ka Dhacay Hutel Central Oo La Ogaaday Iyo Siday Hawsha u Fuliyeen
Muqdisho:Feb,22,2015(SDN/QJ)-Waxa soo Baxaya Warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya cidda fulisay Qaraxyadii lagu hoobtay ee Jimcihii ka dhacay Hutel Central ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu laayey Masuuliyiin katirsanayd Xukuumadda Somalia.
Wararka soo baxaya oo qaarkood si hoose uga soo baxeen Ha’yadaha ammaanka, ayaa tilmaamay In Ismaaciil Muuse iyo Luul Axmed Daahir (Luuley) oo ah laba ruux oo dhalinyaro ahi ay fuliyaan Qaraxaas oo si weyn loo diyaariyey.
Weerarka hore loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa, isla-markaana yaalay meel kaabiga ku heysa Masaajidka ku dhex yaala Central Hotel, ayaa waxaa fuliyay Ismaaciil Muuse.
Weerarka labaad waxa uu dhacay, xilli dadku ku argagaxeen daryanka qaraxii hore, isla-markaana ay bilaabeen inay cararaan, ayaa isku qarxisay Luul Axmed Daahir. Qoorta Luul oo go’an waxaa lagu arkay Hotel Naasa Hablood II, oo dacalka ku haaya Hotel Central.
Salaad Cali Jeele, Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, ayaa sheegay in qoorta Luul ay ku soo dhacday Naasa Hablood II Hotel, taasina ay muujineyso buu sheegay awoodda uu lahaa qaraxaasi.
Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP oo soo xiganeysa Saraakiisha Dowladda Somaliya, ayaa waxay xalay baahisay magacyada labadaasi ruux. AFP waxay kaloo sheegtay in labadaasi ruux ee is qarxiyay uu xidhiidh ka dhaxeeyay, ha yeeshee lama garanaayo inay lamaane ahaayeen iyo in kale.
Luul Axmed Daahir oo sidoo kale ay dadku ugu yeedhi jireen (Luuley), ayaa ugu yaraan muddo afar bilood ah waxay ka hawlgaleysay Central Hotel. Waxaana dadkii garanayay layaab ku noqotay ku lug lahaanshaheeda weeraradaasi, maadaama aan marnaba wax dareen ah laguu arkin.
Luuley, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in ay sanadkii tagey ka soo laabatay dalka Holland, oo sharciga deganaanshaha ay ka heysatay, balse Dowladda Holland weli taasi ma aanay xaqiijin.
Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida, ayaa sheegay in Luuley si weyn looga garanaayay Hotel Central. Waxayna fadhin jirtay qaybta maamulka ee soo dhawaynta macaamiisha.
Dadkii garanaayay Luuley, ayaa marnaba uga shakiyin inay ka tirsan tahay mintidiinta Ururka Al Shabaab. Waxayna noqoneysaa gabadhii ugu horeysay oo dibadda ka soo laabatay, oo weerar ismiidaamin ah ka geysata Magaalada Muqdisho.
Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weeraradaasi, iyagoona ku faanay in laga gaadhay ujeedkii laga lahaa. Weeraradu waxaa lagu dilay, laguna dhaawacay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliya, siyaasiyiin iyo weliba dad rayid ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com