|

Akhri Magacyada Iyo Xilalka ay Hayeen Saraakiisha Al-shabaab Lagaga Dilay Duqayntii Shalay Ka Dhacday Duleedka Baardheere

Bardhere:Jully,17,2015(SDN/QJ)-Waxa soo kordhaya wararka laga helayo duqaymo maalintii shalay diyaaradaha aan duuliyaha wadani ka geysteen Deegaano ku dhaw Magaalada Baardheere ee Gudaha Somalia.

wexoSida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Kenya, waxa ugu horrayn halkaas lagu dilay   Maxamed Kuno (Dulyadeyn) oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka W/Bari Kenya.

Mwenda Njoka oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimah Gudaha ee Kenya ayaa sheegay in Dulyadeyn ama Gacmo-dheere Iyo Ismaaciil Jabhad lagu dilay Weerarka Cirka oo habeen hore Saacadu markii ay ahayd 2am ka dhacay inta u dhaxaysa Juungal & Buur Xaaji.

Waxa uu sheegay in Weerarkaasi uu ahaa mid ay Sirdoonka Kenya wax badan ka ogaayeen, islamarkaana ay ku doonayeen in lagu dilo Ninka ay sida weyn u doonayeen ee Weerarada ugu qaabilsanaa Al shabaab dalkaasi Kenya.

Ismaaciil Jabhad wuxuu kamid ahaa Garabka Military ee Al shabaab, islamarkaana u qaabilsanaa Gobolka Gedo waxaana markii la dilayay kusii jeeday Aaga ay ka difaacayaan Baardheere ee Juungal.

Al shabaab & Dowladda Federaalka ee Soomaaliya kama aanay hadlin Weerarka lagu dilay Hogaamiyaasha Al shabaab, iyadoo taasi ay dheertahay inaanay jirin Dowladda sheegtay Mas’uuliyadda Weerarka.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed