Akhri Magacyada iyo Qabiillada ay Kasoo Jeedaan Wasiirrada Cusub Ee Uu Soo Dhisay Madaxweyne Gaas
Garowe:June,17,2016(SDN/QJ)-kadib toddobadyo uu muran iyo is qabqabsi badani ka taagnaa isku shaandhayn la rabey in lagu sameeyo Golaha Wasiirrada Maamul-goboleedka Puntland, ayaa aakhirkii arrintaas xalay lasoo gebogebeeyey, waxana madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisu isku raaceen inay xukuumad cusub ku dhawaaqaan.
Isku shaandhayntan, ayaa sida muuqata taabatay ama saamaysay ugu yaraan 12 wasaaradood, kuwaasoo sagaal kamid ah wasiirro cusub loo soo magacaabay saddex wasaaradoodna laysku beddeley wasiirradii hore u joogey.
Wasiirada lagu dhawaaqay, ayaa xilalka loo dhiibay iyo Beelaha ay kasii jeedaan waxa ay kala yihiin sidatan:
1.Wasiirka Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, Shire Xaaji Faarax., Majeerteen/Cali Saleebaan
2.Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab. Majeerteen/Ciise Maaxamuud
3.Wasiirka Haweenka, Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin. Majeerteen/Siwaaqroon
4.Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Harti/Dhulbahante
5.Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Daarood/ Leelkase
6.Wasiirka Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid. Majeerteen/Cismaan Maxamuud
7.Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi. /Harti/Dhulbahante
8.Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cismaan Ciise. Majeerteen/Ciise Maxamuud
9.Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame. Majeerteen/Cumar Maxamuud/reer Mahad
10.Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed., Harti/Warsangeli/Dubeys.
11.Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas. Harti/Dhulbahante/Bah Nugaaleed
12.Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed. Majeerteen/Cismaan Maaxamuud
13.Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-cade. Harti/ Dhulbahante
14.Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise. Hart/Warsangali
15.Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac., Majeerteen/Wabeeneye
16.Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Maxamuud. HartiDhulbahante
17.Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle. Ugaar Saleebaan
18.Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdullaahi Jaamac Saalax. Harti/Dishishe
19.Wasaarada Gacansiga iyo Warshadaha, Cabdiweli Xirsi Indha-Gudhan, Majeerteen Reer Biciidyahan.
Wasiirada xilalkooda waayey ayaa kala ah:
1.Wasiirkii Cadaaladda, Ismaaciil Maxamed Warsame.
2.Wasiirkii Waxbarashada, Cali Xaaji Warsame.
3.Wasiirkii Caafimaadka, Saadiq Eenow.
4.Wasiirkii Amniga, Xasan Cismaan Alloore.
5.Wasiirkii Deegaanka, Guuleed Saalax Barre.
6.Wasiirkii Beeraha, Cabdi Ismaaciil Boos.
7.Wasiirkii Qorsheynta, Cali Axmed Faatax.
8.Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Cabdullaahi Ducaale Cali.
Wasiirrada xilalkoodii hore weli haya:
9.Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
10.Wasiiradda Haweenka, Aniso Xaaji Muumin.
11.Wasiirka Dekedaha, Cabdullaahi Jaamac Saalax.
12.Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabiraxmaan Sheekh Axmed.
13.Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Biindhe.
14.Wasiirka Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
15.Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
Wasiirrada Cusub:
16.Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi.
17.Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
18.Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
19.Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
20.Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
21.Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac.
22.Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com