Akhri Magacyada Iyo Qabiillada 7-xubnood Oo Kooxda Dam-jadiidku Shuruud Uga Dhigeen Ra’isal Wasaaraha Soo Socdaa Inuu Kusoo Daro Liiska Golaha Wasiirrada
Muqdisho:Dec,15,2014(SDN/QJ)-La Taliyayaasha Madaxweyne Xasan sheikh iyo Ururka Awoodda Badan ee loo yaqaanno Dam-jadiidka, ayaa isla gartay in cidda ay xilka Ra’isal wasaaraha u magacaabayaan ay ku xidhaan shuruudo muhiim u ah Ururkooda Hoggaamiyaha Siyaasada waddanka.
Kooxdan ayaa isku raacday in ugu Yaraan 7-Xubnood oo dhexdooda muhiim ka ahi aanay sinaba uga Maqnaan Karin Liiska Golaha Wasiirrada ee laga filayo Ra’isal wasaaraha La magacaabi doono, maadaama ay u egtahay in wakhtigoodii gebogebo yahay.
Waxa la isku raacay in ka hor inta aan Ra’isal wasaaraha la magacaabin lagu khasbo inuu aqbali inuu xubnahaas liiskiisa kusoo daro, iyadoo xubnahani ururka mihiim u yihiin.
Liiska 7-Xubnood ee Ra’isal wasaaraha Soo Socda lagu xidhay ayaa sidatan soo socota ah ee nala ogow:
1-Reysalwsaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda:Fawziyo Yuusuf Xaaji(Isaaq), Haweenaydan ayaa waxa ay kamid tahay Kuwa sida dhaw ula dhacsan Siyaasadda Kooxda uu Madaxweyne Xasan sheikh Hoggaamiyaha u yahay, waxana ay hore usoo qabatay Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ay oo dardar badan kamuujisay.
2-Ambassador C/laahi Sambaloolshe;Wasiirka Arimaha Gudaha(Xawaadle)Ninkan ayaa Abti u ah Madaxweyne Xasan,waxaana xilkan looga dhigayaa xaal-marin,kadib markii Xilkii Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugidda uu si bahdilaad ah uga qaaday Reysalwasaare C/weli Sheekh.
3-Dr Maxamed Sheekh Doodishe;Wasiirka Iskaashiga Caalamiga (Sade-Daarood)Ninkan ayaa ah Madaxa Siyaasadda ee Kooxda Damjadiid,waana La Taliyayaasha sare ee Madaxweynaha
4-C/kariin Guuleed Suujino:Wasiirka Amniga(H/Gidir)ninkan waa Gudoomiye-ku-xigeenka Ruuxiga ee Damjadiid,waana La Taliyayaasha sare ee Madaxweynaha,waxaana uu mar noqday Wasiirka Amniga,inkastoo uu iska casilay xilka Wasaaradda Amniga.
5-Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Federaalka:Faarax Cabdiqaadir, (Reer Xasan Kalweyn)Gudoomiyaha ruuxiga ee Damjadiid,ahna ninka dartiis Mooshinka looga keenay Saacid iyo C/weli Sheekh,waxaana uu salfatay xilka 2-Reysalwasaare.
6-Drs Maryan Cariif(Murursade), waxana Haweenaydan lagu garaacayaa Wasiir Dhuxulow oo haatan ay Damjadiidku diidan yihiin inuu soo laabto.
7-C/qaadir Shariif Sakiin;Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboortiga (Digil iyo Mirifle)wiilkan ayaa kursiga Xildhibaanadda ka dhaxlay aabihiis Shariif-Sakiin oo isagu u dalacay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed,waxaana Xilkan Xildhibaanadda loo dhaariyay muddo dhaw.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com