|

Akhri Magacyada Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Maraykanka Lagu Maxkamadaynayo Iyo Nuxurka Kiisaskooda

Washington:Sep,03,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan Toddoba dhallinyaro soomaaliyeed oo lagu eedeeyey inay qorshaynayeen ku biiritaanka Kooxda Daacish, ayaa maxkamad lagu soo taagay Dalka Maraykanka Maalintii shalay, iyadoo aan wali wax xukun ah laga soo saarin kiiskooda.

daacSoomaalidan la eedeynaayo ayaa deganaa gobolka Minnesota, waxaana ciidamada ay qabteen dhalinyarada qaarkood xilli ay damacsanaayeen iney ka duulaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis.

Michael Davis oo ah qaadiga maxkamada dhalinyarada la soo taagayo ayaa sheegay in dhalinyaradaasi  go’aan cad laga qaado doono, iyadoo dhalinyaro badan oo Soomaali ah lagu eedeeyo inay ka bar bar dagaalamaan Daacish.

Dhalinyarada maxkamadda la soo taagayo ayaa magayadooda waxaa lagu kala sheegay: Sakariye Abdurahman, Hamza Ahmed, Abdirahman Daud, Adnan Farah, Mohamed Farah, Hanad Musse iyo Guled Omar.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed