|

Akhri Magacyada Askar katirsan Ciidanka Qaranka Aagga Gambadha Oo Toogasho Lagu Laayey Iyo Cidda Dilkooda Ka Dambaysay

Gambadha:April,06,2015(SDN/QJ)-Askari katirsan Ciidanka qaranka ee Jiidda Gambadha ee Gobolka Sool, ayaa shalay Tacshiirad rasaas ah oodda kaga qaaday Ciidan ay isku xero ahaayeen, waxana uu  halkaas ku dilay hal askari, iyadoo mid kalena dhaawac culusi soo gaadhay.

asorAskariga Dilka geystay iyo Labada kale ee Midkood dhintay, ayaa ka  wada tirsanaa Guutada 8-aad ee qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka  fadhigeeduna uu yahay Deegaanka Gambadha oo dhinaca Bari ka xigta Magaalada Laascaanood.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka oo lagu faahfaahiyey sababta keentay Dilka, hase ahaatee waxa wararku sheegayaan in dilkaasi   ka dhashay ismaan-dhaaf dhex maray Askariga Dhaawacmay oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdi Ibraahim Cabdilaahi  iyo  Gacan ku dhiigle  Mustafe Saalax Samatar, Kaasoo Rasaasta uu furay uu ku geeriyooday AHN laba Alifle Caydaruus  Cawaale.

Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Ciidanku gacanta ku dhigeen gacan ku-dhiiglaha waxyeellada geystay, kuna xidheen isla saldhiga Weerarku ka dhacay.

Dhinaca kalena, Dhaawac Askariga ka badbaaday toogashada ayaa waxa la sheegay inuu aad culusyahay, isla markaana loola soo cararay dhinaca Magaalada Burco.

Dilalka noocan ah ee  Ciidamada dhexdooda ka dhaca ayaa soo badanayay sanadihii u dambeeyay, iyadoo sanad wax ka yar laga joogo markii uu Askari ka tirsanaa guutada 17aad ee Ciidanka Qaranku uu saldhiga Ciidanka ee Jiida Maygaagle ku dilay laba Sarkaal oo madax ka ahaa taliska ciidanka ee Aaga Maygaagle.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed