|

Akhri Magacyada Afar Dhallinyaro ah Oo Shabaabku Goob Fagaare ah Ku Toogteen Iyo Sababaha Eeddooda

Diin-soor:May,26,2015(SDN/QJ)-Xoogaga Al-shabaab ee Gacanta ku haya Degmada Diin-soor ee Gobolka Baay, ayaa maalintii shalay goob fagaare ah ku toogtay afar dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen arrimo la xidhiidha basaasnimo.

tocrAfartan nin waxa lagu soo oogay dacwad aheyd inay u basaasayeen dhinacyada Dowlada iyo ciidamada AMISOM, waxaana lagu fuliyay dil toogasho ah xili dadweyne badan ay daawanayeen.

Qaadiga Maxkamada Al-shabaab ee Gobolka Bay ayaa warbaahinta u sheegay inay ragga la dilay u shaqeynayeen Ciiidamada Kenya iyo Dowlada .

Magacyada afarta nin ayaa lagu kala sheegay sidan:

1-Cali Muuse Cali oo 26 sana Jir ahaa

2-Xasan Caddaawe Muxamed oo 24 sana Jir ahaa.

3-Cukaasha Cali Xaaji 39 sana Jir ahaa

4-Muxamed Nuur Cali Sooyaal 40 sana Jir ahaa

Si kastaba ha ahaatee, laba kamid ahaa ayaa waxaa la sheegay inay Dowlada Soomaaliya basaas u ahaayeen halka labada danbe iyagana la sheegay inay ciidamada Kenya basaas u ahaayeen.

Basaasnimada ah ayaa waxa ugu badan ee Al-shabaab ku eedeeyeen Shakhsiyaadka ay Toogtaan, waxana inta badan arrintoodu ku aroortaa inay shaqaale u ahaayeen Dawladda Federalka Somalia.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed