|

Akhri Magacyada 9-Wasiir Oo Markale Kamid Noqday Golaha Wasiirrada Cusub Iyo Ra’isal wasaaraha Oo Sababeeyey Soo Laabashadooda

Muqdisho:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Golaha wasiirrada Cusub ee Habeenkii xalay la magacaabay, ayaa waxa lagu dhex arkay tiro wasiirro ah oo ku jirey Xukuumaddii Ra’isal wasaare Cabdiweli ee dhawaan Baarlamaanku rideen, kuwaas oo markoodii labaad soo noqday, isla-xilalkii ay hayeenna haya maanta.

awoodeRa’izul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay sababaha uu mar kale usoo celiyay wasiiradii hore ayaa sheegay in uu ku xushay shaqadii wacneyd ay soo qabteen iyadoona hada looga fadhiyo in ay halkoodii kasii wadaan shaqadii ay hayeen.

Wasiiradii hore uga midka ahaa xukuumadii Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed markana kus oo laabtay Golaha Wasiirada Cusub ayaa gaadhaya ilaa Sagaal xubnood , waxaana meesha ka maqan wasiiro kale oo la is lahaa mar kale ay soo laabandoonaa.

1-Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda

2-Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda

3-Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga

4-Cabdirixman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga

5-Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

6-Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska

7-Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

8-Khadiija Maxamed Diriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

9-Daauud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed