Akhri Magacyada 9-Qof Oo Dawladda Kenya Baahisay, Laguna Xidhiidhiyey Weerarro Dad Lagu Xasuuqay
Nairobi:April,03,(SDN/QJ)-Ciidamada Ammaanka waddanka Kenya, ayaa shaaciyey Magacyada Sagaal nin oo katirsan Kooxda Al-shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyey inay lug ku lahaayeen Xasuuqyo kala duwan oo dhawaanahan ka dhacayey goobo ku yaalla Dalka Kenya.
Ciidamada, ayaa shacabka ka codsaday inay soo sheegaan meekasta oo raggaas ay ku arkaan, isla-markaana ay ka caawiyaan soo qabashadooda.
Sagaalkan nin oo dhamaantoodba u dhashay dalka Kenya, ayaa la sheegayaa inay intooda badani si gaar ah ugu lug lahaayeen weerarro qorshaysan oo lagu laayey Dad Kenyan ahaa.
Magacyada raggan oo maanta la baahiyey ayaa kala ahaa sidatan
Muumin Abdalla Muumin, Suleiman Mohamed Awadh, Abdifatah Abubakar Abdi aka Musa Muhajirm, Abdalla Salim Marumu, Mohamed Abubakar Mohamed and Mahir Khalid Riziki.
Raggan ayaa lagu sheegay inay yihiin Argagixiso caado ka dhigtay cabitaanka dhiigga shacabka, waxana ugu horreeya Abdifarah Abubakar, kaas oo lala xidhiidhiyey Xasuuqii ka dhacay deegaanka Mepeketoni oo dhiig badani ku daatay.
Baahinta sawirrada raggan ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii xasuuq ba’an kooxda Al-shabaab u geysteen Arday wax ka dhiganaysay Jaamacadda Garisa, waxana ay halkaas ku dileen ugu yaraan 150-qof oo iskugu jirey Arday iyo macallimiintii Jaamacadda
Himilo Media