|

Akhri Magacyada 7-Ba Wariye Oo Amarka Wasiir Cukuse Ugu Xidhan Saldhigga Macallin Haaruun Iyo Dhaawacyo Kala Duwan Oo ay Qabaan

Hargeysa:May,06,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan 7-Wariye oo dhammaantood ka Hawgelayey Wasaaradda Warfaafinta, ayaa haatan ku xidhan Saldhigga M/Haaruun ee Bariga Magaalada Hargeysa, kuwaas oo Wasiir Cukuse Bixiyey Amarka lagu xidhxidhay.

sheehWariyayaashan oo Maanta Xorriyadoodii ku waayey Awaamiir uu Wasiirku kusoo rogay Hannaaka Shaqo maalmeedka wasaaradda oo ay ka biyo diideen, ayaa qaarkood qabaan Dhaawacyo kala duwan oo ay soo gaadhsiiyeen Ciidamada Ilaalada ka ah Xarunta wasaaradda oo amar lagu siiyey inay celiyaan ciddii aan shaqada maalintooda ku qornayn.

Magacyada Toddobada wariye ee Haatan ayaa kala ah sidatan:

Xasan Ismaaciil (Xasan-shaah), Nimcaan Axmed Dagaal, Liibaan Sheekh Cali Jowhar, Maxamed Ismaaciil Xato, Jamaal Cabdinaasir, Farxaan Finnad Faarax Iyo Axmed Ibraahim Qalinle, waxana ay haatan dhammaantood ku jiraan Xarunta Saldhigga Macallin Haaruun oo masaafo ahaan si weyn uga Durugsan Xarunta Wasaaradda ay ka Hawlgalaan.

Wasiir Cukuse, ayaa sida la sheegay diiday oo is hortaagay dedaalo badan oo Wariyayaashaas lagu soo dayn lahaa, waxana uu ku adkaystay inuu Ciqaab ku marin doono Amarkiisa ay ka horyimaadeen.

Wasiirka Laftiisa oo aanu iskudaynay inaanu arrintan wax ka weydiino, ayaanay noo  suurtogelin, telefoonkiisa gacanta oo xidhan darteed, waxase wararka aanu ku Haynaa inuu isla-markii dhibaatadaasi dhacdayba uu shir ka galay Aqalka Madaxtooyada dhexdeeda.

Wasiirka ayaa shaki iyo kalsooni darro uu ka qaaday shaqaalah door biday in Gudaha Wasaaradda aanay gelin shaqaalaha aan Maalintaas shaqada u lahayn, waxana la sheegayaa inuu tuhmay Fadhiyada caadiga ah ee shaqaaluhu ku kulmaan Xarunta Wasaaradda oo uu tilmaamay in isaga loogu tashado.

Waxa cirka isku sii shareeraya khilaafka Wasiir Cukuse iyo shaqaalihiisa u dhexeeya, waxana arrintani imanaysaa xilli madaxweyne Siilaanyo Caydhiyey Maareeyihii hore ee TV-ga qaranka Mudane Khadar Cali Gaas oo ay wasiirka marar badan is qabqabsadeen.

Madaxweyne siilaanyo, ayaa laga sugayaa inuu meesha ka saaro oo soo afjaro mashaqada ka taagan hoggaanka sare ee wasaaradda warfaafinta iyo shaqaalaha, waxana waajib ah inuu hoos u eego dhibka maalinlaha ah ee joogtada ka ah Xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo qaranka muhiim u ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed