|

Akhri Magaca Xildhibaan Katirsanaa Golaha Deegaanka Berbera Oo Goor dhaweyd Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Hargeysa:Aug,09,2015(SDN/QJ)-waxa goor dhaweyd shil gaadhi oo ka dhacay waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ku geeriyooday Xildhibaan katirsanaa Golaha Deegaanka Magaalada Berbera, kaas oo safar uu kaga baxay Magaalada Hargeysa ku jirey.

dargoXildhibaanka shilaas ku dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Mustafe Axmed Cabdilaahi xoolowo (dago-dago), waxana gaadhiga la saarnaa xubno ehelkiisa ah oo iyaga uu dhaawac soo gaadhay.

Dhimashada xildhibaanka ayaa waxa qurbejoog.com u xaqiijiyey qaar kamid ah ehelladiisa, waxana lagu wadaa in meydkiisa goor dhaw la keeno magaalada Hargeysa.

Shilalka gaadiidka eek a dhacaya JIdka u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ayaa sii badanaya waxana shilkan nacdinta lihi imanayaa xilli muddo laba  bilood ah ka hor ay isla waddadaas ku geeriyoodeen saddex marxuum oo geeridooda bulshada reer Somaliland uga naxeen, kuwaas oo ay kamid ahaayeen wariye maxamed Daa’ud, Wali Daa’ud cigaal iyo waliba Askari katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda.

Marxuum Xildhibaan Musatage Dago-dago, ayaa kamid ahaa ciyaartoygii ugu caansanaa Magaalada Hargeysa xilliyadii98—kii ilaa iyo 2000-kun, waxana uu kamid ah Kooxdii Caanka ahayd ee NPP-da ee Hargeysa ka dhisnayd.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed