|

Akhri Maansada HAYAAN DHICISOOBAY Oo Muujinaysa Sida Loogu Hungoobay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:Feb,20,2015(SDN/QJ)-Maansadani waxaan curiyay maalin khamiisa waa 20/11/2014 waxaanay ka hadlaysaa dhinacyo.

in cumbadan ku waasi oo taabanaya duruufaha iyo waayahay siyaasadeed ee ka jira wadankan  Soomaaliland waxaanan diirada ku saaray sida ay umada reer soomaliland ugu hanweynayd xisbiga talada dalka haya ee kulmiye markii uu olalaha ku jiray doorashadii 2010kii iyo sida ay

maanta uga wada niyad jabeen xisbigii kulmiye.

Maansadani waxay sidoo kale talooyin u jeedinaysaa madaxweyne siilaanyo waxaanad ka  dhexdhugan kartaan tuducyada maansadan

 

Baryan heenso maan sudhine

lahaaWaanse lahelayn

Mar aan hawo la sheekaystay

Waxa yimid hortaydaa

Talo lagu hungoobay iyo

Umad wada halaabaysa

Horjoog waxa looga dhigay

Nimaan halaha daaqgaynin

Halyay hayska sheegtee

Hadana waa tabtii hore

Hadaad howsha sare eegto

Runta lama habsaanshee

Kulmiyaan xilkaa hanankarayn

Halyayadii dalkuu hoos uridi

Kor kici haanka kumahayn

Sahra halgan hooyadii dalka

Ninkaan hanad moodno

Hooyadeed u hilowday

Calankaan hadhsanayno

Ninkaan han wadaagno

Haweenkiyo ubadkeena

Taariikh uu ku hungoobo

Raggaa huwan shaadka

Miyaad na hilmaamtay

Markaad na horjoogtay

Miyaad iska hilmaamtay

Geedkaad u hadhaysay

Heeryaduu iska ridaayo

Howshaa wadankeena

Hadaantuu kadhacaaye

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed