Akhri Lix Qoddob Oo Hortaagan Inuu Xasan Daahir Aweys Ka Baxo Xabsi-guriga uu Ku Jiro Muddada Dheer
Muqdisho:Oct,17,2014(SDN/QJ)-Wadaadka caanka ah ee Xasan Daahir Aweys, ayaa inkabadan Sanadkadib waxa uu ku jiraa xabsi guri ay dawlada Federalka somalia ay Gelisay Markii uu isa soo dhiibay.
Sheekh oo isagu iskii iskugu soo dhiibay Dawladda Federalka ah, ayaa ilaa iyo haatan la la’yahay wax xal oo xabsiga lagaga sii daayo, waxana inta Badan muranka iyo khilaafku ka imanayaa dhinaciisa sida ay wararku sheegayaan.
Dadaalo kasta oo Xasan Daahir Aweys lagu sii deyn lahaa ayaa fashilmay, kadib markii uu diiday inuu aqbalo shuruudo loo soo bandhigay oo haddii uu aqbalo xabsiga looga saari lahaa.
Sarkaal ka tirsan ilaalada Xasan Daahir Aweys, oo ay dowladda Soomaaliya ay u xil saartay ayaa sheegay in Xasan Daahir Aweys uu nolosha xabsi guriga ka qaaday is-beddel xagga muuqaalka ah.
Sargaalka ayaa waxa uu caddeeyay in Xasan Daahir la sii dayn karin kadib markii uu ku adkeystay lix qodob oo laga fujin kari waayey kuwaas oo kala ah:-
Waxa uu sheegay in xili lasii deyn lahaa Xasan Daahir uu ku waayay deysmadiisa Qodobada soo socda:-
1- Inuu ku goodiyay inuu naftiisa u huri doono Islaamka, islamarkaana uu garab taagan yahay Shabaab.
2-Inuu u hanjabay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoona wacad ku maray inta uu nool yahay inuu ka aar-goosan doono.
3- Inaanu diyaar u aheyn in lagu siidaayo wada-xaajood iyo shuruud.
4- Inuu Beesha Habar-gidir uga digay inay ballan qaadan in markii lasii daayo aanu dhib geysan doonin.
5- Inuu Saraakiisha Ammaanka hortooda ka qiray inay banaan tahay in la qarxiyo lana dilo ruux waliba oo u shaqeynaaya Dowladda.
6-Inuu saraakiil ka kala socotay Britain iyo Mareykan oo su’aalo weydiinaayay u sheegay haddii lasii daayo inuu duullaan ku qaadi doono wadamadooda.
SDN/QJ