|

Akhri Liis ay Ku Taxan Yihiin Magacyada, Qabiilooyinka Iyo Qaddarka Lacagta ah Ee Lagu Doonayo Saraakiil Sarsare Oo Al-shabaab Katirsan

Muqdisho:April,10,2015(SDN/QJ)-Toddobaad kadib Markii Kooxda Al-shabaab Weerar saamayn ballaadhan gobolka ka dhaliyey ku qaadday Deegaanno ku Yaalla Gudaha Dalka Kenya, ayey Xukuumadda Somalia soo Bandhigtay Liis ay qoran yihiin Magacyada Saraakiisha ugu sarraysa Al-shabaab oo ay sheegtay inay madaxooda lacago badan ku bixin doonto.

seoreShir ay Golaha Wasiirradu shalay yeesheen ayaa waxa ay  kasoo saareen Liis ay ku qoran yihiin 11-Xubnood oo Al-shabaab, kuwaas oo ay Dawladdu ku Ballan qaaday inay lacago qadarkoodu kala duwan yihiin siin doonto ciddii macluumaadkooda keenta.

Ragga sida weyn loo doon doonayo, ayaa waxaa ka mid ah Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Diiriye, balse isu magacaabay Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda).

Shirkii Golaha Wasiirada Somaliya ee Khamiislaha ahaa, ayaa lagu ansaxiyay magacyada Saraakiisha Al Shabaab iyo lacagaha la dul dhigay, waxaana lacagaha la siin doonnaa cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya Ridwaan Xaaji C/weli oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa kaga dhawaaqay magacyada Madaxda Al Shabaab iyo cadadka lacagaha la dul dhigay.

Hoos ka aqriso liiska

Comments are closed