Akhri Jawaabta Somaliland Ka Bixisay Tallaabada Dawladda Federalka Somalia Kaga Hadashay Macdan-qodista Laga Wado Gobolka Awdal
Hargeysa:Jan,08,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab degdeg ah ka Bixisay Hadal qoraal ah oo shalay wasaaradda Macdanta iyo Batrolka Somalia, kaas oo lagaga digayey Macdan-qodis laga wado Goobo ku yaalla Galbeedka somaliland.
Wasiirka wasaaradda macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo la hadlay warbaahinta VOA-da ayaa sheegay in Hadalka kasoo baxay Wasaaradda Macdta Somalia uu yahay mid aan munaasib ahayn, isla-markaana ay hadlayaan wax aan shaqadooda ahayn.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in tallaabadaasi ay si weyn u waxyeelaynayso Wada-hadalladii labada dhinac u socday, taas oo ay sababteeda leedahay Dawladda Federalka Somalia,
“ Gobolka Awdal wuxuu ka mid yahay dhulka Somaliland mudo 23-sano ah,mana jirto awood ay ku sheegan karto Soomaaliya kuna maamuli karto,waana arin deel qaaf ah hadalka Jamhuuriyada Soomaaliya,wuxuuna warkaasi meel ka dhac ku noqon karaa wada hadalada u socda Soomaaliya iyo Somaliland,”ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo Biyaha Somaliland.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa beeniyay in Shacabka laga barakiciyay deegaanada Shirkada ARC shidaal baadhista ka wado,islamarkaana la hubeeyay maleeshiyo beeleed si shaqaalaha shirkada.
Xuseen Cabdi Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada Soomaaliya aan awood u laheyn inay ka hadasho dhaq dhaqaaq ka socda dhulka ka tirsan Somalilnad, maadaama ay tahay dhul madax banana oo mudo ku siman 23-sano gooni isku taag ahayd,masiirka umada iyo deegaanadeeda iyada ka tashaneysay.
Hadalka wasiirka macdanta iyo Biyaha Somaliland ayaa ku soo aadaya xili shalay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada macdanta iyo badroolka Jamhuuriyada Soomaaliya looga digay Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha in shidaal baadhis ka sameysa deegaan ka tirsan gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com