|

Akhri Farriinta Madaxweyne Uhuru Shacabkiisa u Diray Sanadka Cusub

Nairobi:Jan,01,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Kenya, ayaa curashada Sanadka Cusub ee 2015-ka Farriin u diray Shacabkiisa, waxana uu sheegay in Waddankiisu hayo Wadada Barwaaqada iyo Guusha lagu gaadhi lahaa.

hopMadaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu sii wadayo sidii meesha looga saari lahaa Khatarta argagixisada, iyagoo isticmaalaya wax kasta oo lagama maarmaan ah, sharcigana waafaqsan, si loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hantida dadka Kenyanka ah.

Waxa uu sheegay in inkastoo ay caqabado jiraan hadana ay jirto rajo ballan muuqata leh.

Madaxweyne Uhuru ayaa dadka Kenyanka ah uga mahad celiyay wada shaqeynta ay u muujiyeen iyo taageerada ay mar kasta la garab taaganyihiin laamaha amaanka, si loo xaqiijiyo in dalka uu nabad ahaado xiliga fantasyaha iyo fasaxa.

Waxa uu ku amaanay shacabka in ay dadaal ku filan sameeyeen qeyb lixaad lehna ka qaateen sidii ay naftooda iyo eheladoodaba nabad u heli lahaayeen xiligan daamaashaadka lagu jiro.

Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xariiqay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka uu ahaa mid la xasuusan doono oo uu dalka hadafyo badan gaadhay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed