|

Akhri Afar Qodob Oo Al-shabaab Sheegatay Inay Dawladda Somalia Isku Diiddan yihiin

Muqdisho:Mar,27,2015(SDN/QJ)-Mintidiinta Al-shabaab, ayaa faahfaahin ka Bixiyey sababaha keenay inay iyaga iyo Dawladda Federel-ka Somalia kala fikir duwanaadaan, waxana at taataabteen qoddobo dhawr ah oo keenay in la kala fogaado.

iagSheekh Jaamac Cabdisalaam oo kamid ah Hogaanka sare ee Kooxda Alshabaab, ayaa si gaar ah u magacaabay Qoddobo Afar ah oo labada dhinac ku kala irdhoobeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Cadow isku yihiin Dawladda, isla-markaana aragtidu ka dhaxayso

Waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ay kaga hor imaan doonaan meel waliba oo ay isku arkaan, isagoona sabab uga dhigay kala aragti duwanaanshaha Habsami u socodka Siyaasadaha isdiidan ee dalka lagu xakumaayo.

Sheekh Jaamac waxa uu Tilmaamay in Dowlada Somalia ay aamintahay Reer Galbeedka taasina ay sii laba jibaartay kala fogaanshaha afkaarta. Isaga oo la hadlaayay Warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab ayaa waxa uu qodobadaasi ku sheegay sida soo socta:

1-Aaminaanshaha Dimuqraadiyadda.

2-Qawaaniinta Dowlada Somalia oo laga soo maanguuriyay Reer galbeedka iyo Itoobiya.

3-Bulshada Soomaaliyeed oo laga mashquuliyay Sharciga.

4-Kheyraadka dalka, Gobolada, Siyaasada iyo dhaqanka sharciga uu qabo oo gacanta loo galshay Reer Galbeedka iyo Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu ku goodiyay in Alshabaab aanay kasoo laaban doonin Ahdaafta ay tiigsanayaan, waxa uuna i shaaray in dhamaan qodobadaasi ay u tiigsanayaan shareecada Islaamka, sida uu hadalka u dhigay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed