Akhri 3-Qodob Oo IGAD Ku Taliyeen In Lagu Xalliyo Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha
Muqdisho:Nov,28,2014(SDN/QJ)-Ka hor intii aanu madaxweyne Xasan sheikh Ogollaanin inuu wada xaajood ka furo muranka taagan, ayey Urur-goboleedka IGAD soo jeediyeen Qoddob saddex ah oo ay u arkeen inay xal u noqon karaan khilaafka cakiran ee curyaamiyey Hawlaha Dawladda.
Arrintan ayaa la sheegayaa inay soo jeediyeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Urur-goboleedka IGAD, waxana waliba arrinta u bandhigeen labada masuul ee is khilaafsan, balse intii hore diidanaa madaxweynaha oo kaliya ogolaa in lagu dhaqmo qodob ku jirey saddexdaas qodob ee lasoo jeediyey.
Saddexda qodob ee Wasiirrada arrimaha Dibadda ee IGAD Soo jeediyeen ayaa ahaa sidatan:
1 – In Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raysul wasaare Cabdiweli iyo kooxaha kala taageersan wada fadhiistaan oo heshiiyaan (RECONCILIATION BETWEEN PARTIES) haddii ay suuragal tahay oo ay dib u wada shaqeyn karayaan, haddii taasi suurageli waydana waxay ku taliyeen.
2 – In Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka wada hadlaan (NEGOTIATED EXIT) oo ah sidii Raysul wasaaraha isku casili lahaa, qodobkaan oo ay sheegeen hadduu suuragal noqon waayo ay ku taliyeen.
3 – In Baarlamaanka lagu kala baxo (PARLIEMENT MOTION) oo mooshinka kalsoonida loogala noqonayo Xukuumadda Raysul wasaare Cabdiweli cod loo qaado, halkaasna lagu soo gabagabeeyo khilaafka xadhkaha goostay ee ka dhex aloosan madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha.
Xubno ka mid ah baarlamaanka oo taageersan Raysul wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadu heshay qoraal ay u direen wasiirka Arrimahha Dibadda Itoobiya H.E Dr Tedros Adhanom oo ay kaga cabanayaan labo qodob oo kamid ah 3-da qodob oo kala horeeya oo IGAD Soo jeedisay in lagu dhameeyo qilaafka madaxda Soomaalida.
Qodobada xildhibaanada taageersan Raysul wasaaraha diidan yihiin ayaa kala ah in laga wada hadlo sidii R/W Cabdiweli isku casili lahaa haddii taasi suugal noqon waydana in Baarlamaanka iyo cod lagu kala baxo.
Xildhibaanada Taageersan Cabdiweli ayaa soo jeedinaya oo IGAD ka codsanaya in qilaafka lagu xaliyo wada hadal oo Madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha la heshiisiiyo, arintan heshiiska ah ayaa ka iman karta kaliya labada masuul oo khilaafku u dhaxeeyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com