|

Ajandaha Lagaga Hadlayo Kalfadhigii Sadexaad ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo Maanta furmaya

Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)- Waxa Maanta lagu wadaa inuu Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Dibu Uga Furmo Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo aan in muddo ah wax fadhi ah yeelanin.

dawladda hooseKal-fadhigan Saddexaad ayaa waxaa horyaalla Ajandayaal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Wax-ka-bedel iyo Kaabis lagu sammeeyay Xeer-hoosaadka Golaha oo ay soo diyaariyeen Guddi uu u saaray Maayarka caasimadda oo ka kooban siddeed xubnood, waxaa kale oo ka mid ah Qaab-dhismeedka Shaqaalaha Dawladda Hoose, Dardargelinta cashuuraha, Wax-ka-qabashada Bilicda Caasimadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Kal-fadhigu wuxuu ansixin doonaa haddii laysku waafaqo Ajandayaasha Horyaala Kal-fadhiga saddexaad.

 

Kal-fadhigan ayaa lagu wadaa inay ka soo qayb galaan intabadan xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, waxana natiijada ka soo baxda u dheg taagaya dadweyne fara badan oo saluugsan Hannaanka ka caagan kal fadhiyada ee Goluhu caadaystay tan iyo intii la doortay.

 

Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa waxa lagu tilmaamaa mid fadhiid ah oo u badan dhallinyaro aan shaqada wax badan ka aqoonin oo dhexdeeda muranka iyo is qab-qabsigu ku badan yahay, kuwaas oo aan waayo-aragnimo u lahayn Hawlaha shaqo ee Dawladda Hoose,waxana shacabku aaminsan yihiin in Golihii hore ee la Beddelay aad uga wanaagsanaa dhinaca maamulka.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed