Ahlusunna oo Suxufiyiin ku xidh-xidhay Degmada Dhuuso-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud
Dhuusa-mareeb,1-8-2015(QJ/SDN)-Maamulka Culummaa’uddiinka Ahlusunna ayaa Xalay fiidkii xabsiga dhigay Shan Wariye oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgala Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, kuwaasoo middoo ay tahay Haweeney.
Suxufiyiinta la xiray ayaa lagu kala ah; Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Dowladda Somalia, Cabdi Jamaal Macalin Axmed oo isna u shaqeeya Radio Bar-kulan iyo Kalsan TV, Bashiir Maxamed Salaad oo isna u shaqeeya Telefishinka Horn Cable, C/llaahi Warsame Rooble iyo Laylo Nuur Cilmi oo iyaguna ka howlgalayay qaar ka mid ah Warbaahinta Somalia.
Xariga Suxufiyiintan ayaa ka dambeeyay markii dhawaan Ahlusunna ay Amarro Adag dul-dhigeen Wariyeyaasha ka howlgala Deegaannada ay gacanta ku hayso; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; inaysan ka hadli karin Wararka siyaasadda, isla markaana isi soo diiwaan-geliyaan, Wariye walbana uu keeno Saldhigga Dukumiinti iyo kuwo kale.
Balse, Wariyeyaasha ayaa ka horyimida marrada lagu soo rogay, iyagoo inay yihiin kuwo ka hor-imaanaya xorriyadda hadalka, iyagoo xusay in sababo la xiriira ammaankooda aysan dukumiintiyadooda iyo sawirradooda u geyn karin saldhiga Ahlusunna Waljamaaca.
Ugu dabeyn, mas’uuliyiinta Ahlusuna ayaa dhawaan idaacadaha ka howl-gala Deegaanada ay ka talinayaan ku amray inaysan sii dayn karin Wararka ku saabsan arrimaha dowladda Somalia, waxaana horay uga mamnuuceen inay tabiyaan shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug.