Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo Meel adag iska taagay Weerarka lagu qaaday Xarunta Westgate ee Nairobi
Muqdisho 24.Sep 2013 (SDN)- Maamulka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee bartamaha caasimada dalka Kenya ee Nairobi.
Guddoomiyaha guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Cabdirisaaq Cali Mire (Al-Ashcari) oo shirjaraa’id maanta ku qabtay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa weerarka xarunta Westgate ku sheegay mid waxashnimo ah oo lagu waxyeelleeyay dad aan waxba galabsan.
Al-Ashcari ayaa falka noocan oo kale ku tilmaamay mid aysan geysan Muslimiintu, balse ay soo maleegaan kooxo doonaya in ay sumcad dillaan magaca Islaamka ee suuban.
Al-Ashcari ayaa sheegay in loo baahanyahay iskaashi caalami ah oo lagu soo afjarayo waxyeelladda ay geystaan urrurada argagixisadu, isagoo tacsi u diray dowladda, Kenya,ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkan.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com