Ahlu Sunna iyo Ciidamada Dawladda Oo Dagaal Saaka ku Dhexmarayo Deeggaanka Dhuusa Mareeb Xudunka Khilaafkooda
Dhuusa marreeb:Dec,13,2014(SDN/QJ)-Dagaal ayaa saaka salaadii hore ku dhexmaray ciidamada Ahlu sunna iyo Kuwa Dawladda aagga Dhuusa marreeb, waxana uu daba socday mid shalay ka dhacay Duleedka Magaalada Guriceel.
Wararka halkaas laga Helayo ayaa sheegaya in dagaalku u socdo, iyadoo ay jireen Dhaawacyo iyo dhimasho ka dhashay, waxana saaka dagaalku u bilaabmay si kedis ah, iyadoo la iskaga horyimi Goobo ka Baxsan Magaalooyinka shacabku ku dhaqan yihiin.
Sababta dagaalladan ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo muran ka taagan maamul la doonayo in dalwaddu ka samayso Gobollo maamulkaasi gacanta ku hayaan oo la doonayo maamul loo sameeyo.
Dagaalka ayaa la sheegayaa in hub kala duwan la isku adeegsaday, khasaaraha rasmiga ah ee Arrintanna wali way adag tahay in la helaa oo waa ay dedan tahay.
Maamihii ugu dambeeyey ayey Ahlu sunna maamulo degmo u magacaabaysay Dhuusa marreeb iyo Guriceel, waxana ay taasi xuddun u noqotay iska horimaadkan haatan socda.
SDN/QJ