|

Agoomaha Ku Jira Xarumaha Hargaysa iyo Gebilay oo Deeq ka Timid Marwada Madaxweynaha la Gudoonsiiyay Daawo/Sawiro

Hargaysa 27.July 2014 (SDN/QJ)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh maxamed Jirde oo ku sugan Dalka Ingiriiska oo ay ku joogto fasax  gaaban oo ay ku wehelinayso Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxay sidii caadada u ahayd marwada ay Caruurta Agoomaha ah ee Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Gabiley ay deeqdii maalinta ciida ay gudooonsiin jirtay ay u soo wakiilatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo shaqada oo ay wehelinayaan Maayirkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Nasra Caaqil oo ka mid ah Xubin Haween weynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

DA k n q r s shDeeqdaasi ay marwadu u soo wakiilatay masuuliyiintaasi ayaa maanta la gaadhsiiyey xarumaha Darbijiifka ee Maxamed Mooge, Xarunta Agoomaha ee Hargeysa iyo Xarunta Agoomaha ee Gabiley oo la gudoonsiiyey Buskud iyo sharaab loogu talo galay in ay maalinta ciida awgeed caruurtaasi ku ciidaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed