|

Agendaha Qarsoon ee ka danbeeya Magacaabista Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Somaliland

Marka Hore salaan Guud. Marka xigga waxaan maanta qalinka u qaatay ujeeddada ka danbeysa magacaabista wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda ee Somaliland ee loo magacaabay mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ah nin waayo aragnimo weyn ku leh hayadaha samo falka ee caalamka. Agendaha ka danbeeya magacaabistiisa iyo qof ahaan intaan ka garanaayo inaan dadka u iftiimiyo. Runtii waa shakhsi wanaagsan oo ceeb ka sheegi maayo laakiin waxaan anigu dareensanahay in meel kale loo waddo oo uu halkaasina burburkii KULMIYE ka soo dhow yahay. Horta Maxamed waa nin weyn oo imika 75 ah ama ka badan (ninka dhow iyo lixdankii macallin Hargeysa ka ahaa) oo imikuun hawlgabkii United Nationka ka soo baxay in badana waddanka ka maqnaa ilaa iyo 45 sanadood. Runtii waa nin waaya aragnimo weyn u leh hawlaha samo falka ee Qaramadda midoobay, berigii horena qaybta shaqaalaysiinta ee Bangigii Afrika ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee madaxda ahaa. Jaggaddan uu UNta ka gaadhay way sareeysaa Somali ahaan oo adigu dhowr qof oo uu ku jiro Cabdiraxiim Caabi Faarax uun baa ka sareeya jaggo UNta laga gaadho, laakiin waa nin aan dalka iman jirin xataa oo aan dalka ku xidhneeyn oo aan xataa Guri yarna ka dhisan. Haddaba imika oo uu hawlgabkiisii ka bilaabmayo bishan aakhirkeedda ee June maxaa ku qaaday isla markiiba Siyaasadda Somaliland dalaq yidhaahdo halkuu iska nasan bal waxoogaha lahaa ileyn waa nin weyn oo in badan qurbaha ka shaqeeynaayaye?

Aniga ogaalkay haddaan isku dayo su’aashaa inaan ka jawaabo; waxa ay xukuumadda Kulmiye waddaa in ay tartankii Kulmiye sii holciso. Sow maad maqli jirin “lafo maroodi waa laysku jebiyaa” haddaba iyaddoo beesha uu ka soo jeeddaa ay awalba la taag daranayd laba nin oo la kala yidhaa Muuse Biixi iyo Cabdulaziiz Samaale ayaa ay haddana dalaq soo siiyeen nin dalka ku cusub si ay beeshaasi iskula gubato. Wasiirkan cusubi wuu hungureeyay tartankii UDUB, laakiin dib buu uga gurtay markuu arkay Jamaal Cali Xuseen oo aad uga da’ yar kuna dhiiraday inuu dhigo lacagtii berigii ay UDUB iska doontay ee ahayd $300,000, halka uu Maxamed Biixi Yoonis oo aad u doonaayey UDUB uu tartankii ka hadhay. Berigaasi Maxamed Biixi Yoonis wuxuu muujiyey inuu doonaayo kursiga madaxweynaha. Runtii anigu aad baan ula yaabay manaan filaneynin in nin kursi madaxweyne hungureeyay uu haddana kursi wasiir ku soo hoos noqdo? laakiin la yaabi maayoo Somaliland wax walba waad ku arkaysaa.

Nin aanu saaxiib nahay oo beesha uu ka soo jeeddo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa igula kaftamay waar waa Ilaahay mahaddii in rag badan oo qoodh ah ay dalkii yimaadaan oo ku tartamaan jagadda madaxweynaha markaasaan idhi oo ma Kulmiye ayuu ku haystaa Muuse iyo Cabdulaziiz oo kaadidooda u soo cabay xisbiga kulmiye. Markaasuu yidhi; nin Jamaal cali Xuseen laga horgeeyo ayaa loo baahan yahay oo sidiisoo kale ah oo Harvard ka soo baxay oo waayo aragnimo leh. Markaasaan ugu jawaabay waa runtaa laakiin horta jamaal cali Xuseen hankiisuu muujiyey oo waakii berigii wasiirkii maaliyadda ka diiday dawladdii kulmiye intaan maxamed xaashi loo magacaabinba, mida kale Jamaal Harvard tii rasmiga ahayd buu ka soo baxay oo MBA ayuu ka haystaa halka uu wasiirka cusubi isba galay barnaamijkii 9 bilood ahaa ee harvard Kennedy school of Government; markaa isku heer maaha labadaasi iskuul inkastooy magaca Harvard wadda sitaan laakiin xagga da’da iyo ku xidhnaanta dalka ayaa kal soocaya labadda nin. Laakiin Maxamed Biixi Yoonis runtii waa shakhsi hanan kara haddii shaqadiisa loo daayo laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay waa maxay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland? waxaanan arkaa qaraxa Kulmiye inuu yahay mid balaadhan, mida kalena in ay aad ugu adkaan doonto inuu si hawl yar uu ka faramaroojin doono labadda nin ee Mujahid Muuse Biixi Iyo Cabdulaziz Samaale oo xisbigga Kulmiye kaadidooda u soo cabay. waxaanan uga baqanayaa in cardka sidaasi lagaga gubaayo mudane Maxamed Biixi Yoonis. laakiin weynu daawan doonaa siyaasadda cusub ee Somaliland iyo sida uu ula jaan qaado madaxtooyadda.

Ali Abdi
California, USA

Comments are closed