Agab Milliteri iyo Walxaha Qaraxa Loo Adeegsado Oo Lagu Qabtay Dekedda Muqdisho
Muqdisho:Oct,29,2014(SDN/QJ)-Midka mid ah Koontiinarrada yaalla Magaalada Muqdisho, ayaa waxa laga dhex helay Agab militeri iyo waliba Qalab kale oo loo adeegsado qaraxyada laga fuliyo Magaalada Muqdisho.
Taliyaha saldhigga booliska dekadda Muqdisho Gaashaanle sare Maxamed Cabdi Eeboow ayaa sheegay in xubin ka tirsan ciidanka ilaaalada canshuuraha uu qabtay kunteenarkan xilli ay ku guda jirtay kormeer ay ku samayneysay qalabka dekadda la soo geliyo iyo kuwa ka baxaya.
Wasiirka Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo gaadhay dekadda Muqdisho ayaa sheegay in dadaal ay sameeyeen ciidamada amniga lagu guuleystay in la qabto kunteenarka, isagoo intaa ku daray in guddi baadhitaanno dheeri ah sameeya ay u saareen, si loo ogaado cidda dalka soo gelisay.
Sidoo kale saraakiisha hay’adda Nabad sugidda ayaa sheegay inay baadhitaanno ku hayaan mas’uuliyadda shirkadda BIL oo ay u rarneyd qalabka la qabtay.
Kunteenarka ayaa waxaa ku jiray dhar, kabo milateri iyo qalab magned ah oo fududeeynaya waxyaabaha qarxa, waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan in markabka siday kunteenarkan uu ka yimid dalka Shiinaha, isla markaana dekadda Muqdisho ku soo xidhay 22-kii bishan gacantana lagu dhigay qofkii uu u rarnaa badeecadan.
Agabka sida weyn looga shakisan yahay ayaa ah birlabta oo qabcado waaweyn u jarjaran, waxana loo malaynayaa inay tahay midda lagu dhejiyo baabuurta qaraxyada lagu xidho ee dadka la badhtilmaameedsanayaa ay wataan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com