|

Agab iyo Saanad Milateri oo Ciidamada Punt land ku qabsadeen Buuralayda Galgala oo Alshabaab ay ka furteen SAWIRO

Garowe 26.Jan 2014 (SDN)- Mas’uuliyiinta ammaanka Puntland ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab dagaal oo ay ku qabsadeen dagaal ay maleeshiyada Al-Shabaab shalay kula galeen buuralleyda Galgala ee gobolka Bari.

Wasiir ku xigeenka amniga Puntland, Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo taliye ku xigeenka booliska Puntland, Muxyadiin Axmed Muuse oo shir jaraa’id wadajir ah maanta ku qabtay Boosaaso  ayaa soo bandhigay qalab isugu jira hub, rasaas, waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada, daawooyin iyo agab kale oo dagaal, kuwaas oo ay sheegeen in ay maleeshiyada uga qabsadeen dagaalkii shalay.

Taliye ku xigeenka booliska Puntland ayaa sheegay in ciidanku ka war helay weerarro ay maleeshiyadu ka soo maleegaysay Galgala, ayna ka hor-tageen, isla markaana ay ka qabsadeen goobo kala duwan oo ay hadda gacanta ku hayaan.

Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed aya isaguna sheegay in dagaalka lagula jiro argagaxisadu uu soconayo, isagoo ka codsaday dadweynaha inay gacan siiyaan ciidamada.

Aroornimadii shalay ayaa dagaal u dhexeeyey maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka ee Puntland wuxuu ka dhacay deegaanka Galgala, halkaas oo saraakiisha Puntland ay sheegeen in ogaalkooda ay maleeshiyada ka dileen saddex, kana dhaawaceen toddobo kale, halka xaggooda uu geeriyooday askari dhaawac ka soo gaaray dagaalka.

Agab-laga-qabsaday-Al-Shabaab-1 Agab-laga-qabsaday-Al-Shabaab-4 Agab-laga-qabsaday-Al-Shabaab-3 Agab-laga-qabsaday-Al-Shabaab-2

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed