|

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo lagu daray golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya iyo xilka loo magacaabay

Hargeysa 14, December 2012 (SDN)- Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mr. Jaamac Axmed (Jaamac Oday) oo markii uu dhawr bilood ka hor xilkaas iska casilay ka mid noqday Baarlamaanka dhowaan loo dhisay Soomaaliya, ayaa lagu daray xubnaha xukuumadda cusub ee Raysul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Raysul-wasaare Saacid waxa uu shalay dhamaystiray magacaabista golihiisa wasiirada, wuxuuna magacaabay 5 wasiiru-dawle iyo 20 kale oo wasiir ku-xigeeno ah, iyadoo uu wasaaraddaha ku koobay 10 uu hore wasiiradooda u magacaabay.

Liiska wasiir ku-xigeenada oo shalay fiidkii la shaaciyay, waxa ku jira Jaamac Axmed (Jaamac-oday) oo hore u ahaa Agaasimihii guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ka hor intii aanu xilkaas iska casilin, kana mid noqon Baarlamaanka Soomaaliya ee xulistiisa bishii September la dhamaystiray.

Mr. Jaamac-oday waxa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo Raysul-wasaare Saacid uu wasaarad kasta u magacaabay laba wasiir ku-xigeen.

Agaasimaha iscasilay, waxa uu sida la sheegay Muqdisho tegay markii ay isa seegeen Madaxtooyada, taasoo keliftay inuu ka tago xilkii uu ka hayay maamulka xisbiga Kulmiye ee Somaliland, kuna biiro dawladda Soomaaliya.

Ilaa hadda, Mr. Jaamac Oday kama hadal xilkaas loo magacaabay, iyadoo ay hore golaha wasiirada Soomaaliya ugu jireen xubno miisaan leh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayna ka mid tahay Raysul-wasaare kuxigeenka, ahna wasiirka Khaarajiga marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

 

Comments are closed