|

Agaasimihii Hore Ee W/ Arrimaha Dibadda“Hadba Geed-is-maris Baa U Hadha, Guul Dad Leeyahaye”

Salaanta islaamka ka dib , Waxaan Salaan usoo dirayaa shacabka reer Somaliland , Ma jecli in aan arimihii aan hore uga hadlay dib ugu noqdo, waayo xiiso badan ma laha, waxaa dhamaantiin aad ka marqaati kacaysaan Wasiiro iyo shaqaale isku riixriixaya musuq iyo musumaasuq baahay, Waxaan ka dheehanayey maalmahan danbe Hantidharka Guud oo dhex miranaya Wasaarado , runtii ninkaasi wax kasta oo uu qaban lahaaba, waa nin ka baqdin qaba warqada Buluuga ah ee sida daadka uga soo burqata Madaxtooyada Qaranka Somaliland, Taasoo runtii ku noqotay Murug aad u weyn Madaxda Reer Somaliland, Waxaan maalin la kulmay Wasiiradii Xilka laga qaaday mid ka mid ah , Waxaan ku idhi Wasiir Hebelow iska Samir waan ogahay oo waxba maad dhimine, Inta uu qoslay ayuu waxa uu igu yidhi (Agaasime Maxamuud Warqadan waxa aan haystay 8 bilood ka hor , waayo maalin walba dhalinyaro ayaa ii sheegi jirtay in wiigan soo Socda Lay eryayo. Runtii arinkaa aad baan uga damqaday waxaan ku sameeyey Baadhid , Runtii arinkaasi waxa uu ahaa xaqiiq.)

 

Dawladan maanta jirtaa kama duwana tii 80 taneeyadii ka jirtay VILA SOMALIYA. Hadii aad inyar is tidhaahdo wax toosi , waxa uun jawaabta ugu badan noqon waa lagu xidhayaa, bal rag xigmad kama dhamaatee CIIDANKA QARANKA SOMALILAND IYO POLICE KEENA ma waxaa loo sameeyey ninkii DALKA DENBI KA GALA MISE SIYAASIINTA DALKA IN LOOGU CAGA JUGLEEYO.

Waxaan uun kaga jawaabi karaa gabaygii Caanka ahaa ee gudgude ee uu lahaa Abwaan Maxamed Ibraahin Hadraawi
Marna waa calool garac siddiyo, xaal ku soo gala’e
Kol haddaanay maankaaga gadin, talana kaa geynin
Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira’e
Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane
Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido
Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu, gubasho sii beero
Guudaan haddii uu ku liqo, ereyga geedeysan
Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin.
Gole miiggan, geed sheegan iyo, garangar muunaysan,
Gudban iyo cod laba geesa iyo, guurti kala soorta,
Garnaqsiga mudducigoo tashiga, gooni uga showrey.

Hadaba halkudhiga Maqaalkeenu waa Hadba geed-is-maris baa u hadha guul dad leeyahaye, Hadaan dib u jeedaaliyo waayihii Kulmiye. Waxaa qalbigiina dib u xasuusaneysaan Maxamed Iskeerso , ninkii guryihiisa Xaraashay , ninkii kabaha kaga idlaadeen safar iyo in uu magaalada Hargeysa caruurta shiriyo, Waxa aan xasuustaa Habeen Xaflad Dhalinyaro qabsatay oo uu Card ii dhiibay, waxa uu taagnaa Hotel Imperial hortiisa , Waxa inoogu danbeysay markii Kulmiye Guulaystay, diba laysuma weydiin , Bukaan jiif ayuu ahaa markii warkiisa iigu danbeysay Rabbow Caafimaad sii waa ramadaane, Gudoomiye Maxamed Kaahin baa la carcaray oo dalka ka dhoofiyey, Madaxweyne Axmed Maxamed ma yaqaan ninkaas? Maya maya maya maya taariikhdaba dib ba uma eego, Buugaagtiisa kuma jirto kelmada Abaalka in la gudo. Waxaanba is idhaahdaa waxa uu dadka ugu neceb yahay kuwa waqtiga adag kala soo dabaasha Yaabay.

Hada ma foga Maalintii Mansoor hotel Xaflada aynu ugu qabanay DR Maxamed Cabdi Gaboose kelmadii uu yidhi waxa ay ahayd Axmedow horaa lagaaga hiiliyeye Maanta ku seexo dib lagaaga hiilin mayo, Maalintaa DR Maxamed Cabdi waxa uu ahaa nin Reer Kulmiye Amaanaan oo ay jecel yihiin , waxa uu ahaa Gudoomiyihii Gobolada Barri in badan baan wada Safarnay Shaqo Xisbi iyo Mid Qaran waan la wadaagay , Waa nin karmeed oofiya hadii Lala Balamo balanta. Waar Ragow Taariikhda dadkaa ka marqaati kacaya ee Rabbi halaga Dhawrsado. Qabyaalad sharaf ma leh.

Adiguba ka taliyoo hadii aniga oo kusoo dhoweynaya, ku karaamaynaya , kuu aqaan Hogaan iyo Abti, oo aan dhabarka beelo oo gaadhi ila rogmado, markii rabbi iga kiciyey ee aad guulaysatay , Maxaad iga yeeli lahayd, ma waxaad igu odhan lahayd waxa uu doonayo ayuu iga waayey, Tan xagee garteeda lagu qaadayaa? Allow na sama bixi waa na sidataaye.

Illayn loo dhamaan maayee raga qaarkii haba dhaxla,aan tacabka rag u soo dhintaye nasiibkuba waa wax jira,e , laakiin ayaan daro, waxaad moodaa in ay license ay u qaateen si ay xoolaha qaranka iyo umada reer Somaliland ugu dhici lahaayeen qalin Runtii Wasiiradeenu ha ogaadan in RABBI irsaaqada, iyo sharaftaba bixiyo iyo in Cadaalad Daro, Musuq, iyo umada loo dulmiyaa aanay marnaba sharaf noqonayn, Xoolaha maanta loo qaatay qalinka ee la dhacayo, sidaan hore u sheegay waxaa iskaleh oo ay tahay cashuurtii islaamaha Hilibka , Sigaarka iyo qaadka Shaarica ku iibiya, Waxa ay u bixiyeen in Dalka lagu difaaco, Dadkooda loogu sameeyo Adeeg Guud, sida iskuulo, Goobo Caafimaad, Wadooyin iyo wixii la halmaala.

Waxaan kusoo afmeeraya Gurta inta aad joogtaan , Somaliland waa il biyo leh oo gudhi mayso , Ragna dabadiin waa usoo kacayaa, Waxay yididiilo I gashaa marka aan arko Kumaankun hablo iyo wiilal ah oo Jaamcadaha Dalka u kala foofaya, Kuwaas Allow ka badbaadi Cudurkan galay rag ka mid ah madaxdeena ee ku dhacaya marka ay kursiga Fadhiistaan, ka horna ay ka badqabaan.
Waxaan idiin dardaarmayaa in aad Xaqdaro nina aydaan ku taageerin , Dalkana inoo dhawra oo yaan marnaba Sharciga Gacanta lagu qaadan nimankani muday leeyihiin oo xaga Rabbi baa laga qoray, laakiin Runta aynu sheegno ninkay dhibtow yeelkadaa.

Waxaan ka cudur daaranayaa in ay dawlada ku jiraan rag/dumar badan oo qiimo badan oo aanu wanaag ku tuhmayno, laakiin ma awoodaan in ay wax ka qabtaan arimaha ay umada reer Somaliland ka muujiyeen dareenkooda oo ah Musuqmaasuq baahay, Cadaalad Daro Dulmi, Cagajuglayn, cabudhin iyo hogaamin xumo sadhaysay Maamulka maanta jira.

Nabadgelo
Maxamuud Raage Ibrahim
UK London.

Comments are closed