Agaasimihii Hore ee Hay’adda Denbi Baadhista Maraykanka FBI oo Hor Tagay Guddida Sirdoonka Senat-ka Maraykanka bannaankana Soo Dhigay Khaladaad Madaxweyne Trump Ku Kacay DAAWO
Washington 11. June 2017 (SDN/QJ):-Guddiga sirdoonka Senate-ka Mareykanka ayaa daabacay caddeyn uu siiyay Agaasimihii FBI-da ee xilka laga qaaday, taas oo uu ku sheegayo in Madaxweyne Trump uu waydiistay inuu faraha ka qaado baaritaanka uu ku hayay lataliyihiisii hore ee dhanka ammaanka.
James Comey, ayaa faafaahin ka bixiyay 5-ta jeer ee ay wadahadleen Madaxweynaha iyadoo markastana uu Trump si ku celcelis ah u dalbanayay inuu daacad u noqdo.
Waxa uu sheegay in Trump uu ku sheegay baaritaanka Ruushka ka dhanka ah “daruur” dul taagan.
Mr Comey ayaa sidoo kale sheegay inuu saddex jeer u sheegay Trump inuusan cadaadis saarneyn oo uusan xaqiijinayn waxa uu madaxweynuhu arrintan kala socdo.
Qareen u hadlay Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu dareemay inuu nadiif yahay kaddib markii Comey uu u caddeeyay in shakhsiyadiisa aanay ku socon wax baaritaan ah.
Trump ayaa shaqada ka eryey Comey bishii tagtay, isaga oo sheegay inuu maskaxda ka hayey “arrinta Ruushka” markii uu gaarayo go’aanka uu ku ceyrinayo Comey oo hogaaminayey baaritaanka Ruushka.
Comey ayaa sharci dejiyayaasha u sheegay inuu aad ugu weeraray sharaxaadaha kala duwan ee Trump iyo kaaliyayaashiisa ay ka bixiyeen ceyrintiisa, isaga oo yiri “Waxay doorteen inay sumcaddeeda waxyeeleeyaan”.
Comey ayaa sheegay kulan isaga iyo Trump ku dhex maray Aqalka Cad uu madaxweynaha ku yiri “Waxaan u baahanahay daacadnimo, waxaan filayaa daacdnimo.”
Comey ayaa yiri “Markaas kadib ma dhaqaaqin, ma hadlin, mana bedelin shucuurta wejigeyga, waan aamusay kadibna innaga oo aamusan ayaan is eegnay.”
Comey ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kulan uu Trump la yeeshay 14-kii Febraayo uu kaga codsaday “inuu iska daayo” baaritaanka Michael Flynn, oo ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Trump.
https://www.youtube.com/watch?v=i1Gx_tZJhPI