Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed Fiqi oo Iscasilay
Muqdisho March 25 2013 (SDN)– Agaasimihii hay’adda Nabadsugida qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu haye ee ahaa agaasimaha hay’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi.
Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ugudbiyay istiqaalada ku aadan iscasilaadiisa uuna ka aqbalay Madaxweynaha.
Wuxuu tilmaamay inuu la shaqeyn doono hay’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed wax waliba oo looga baahdana oo wada shaqeyn ah uu ka caawin doono.
Axmed Macalin Fiqi ayaa muddo ahaa Agaasimiha hay’adda Nabadsugida qaranka iyadoo horay uu usoo noqday safiir ugu dambeyna maanta uu iscasilay.