Agaasimihii Cisbitaalka Burco Oo Xalay Geeriyooday
Burco:Sep,24,2014(SDN/QJ)-Waxa lasoo xaqiijiyey inuu Habeenkii alay geeriyooday allah ha u naxariistee Agaasimihii Guud ee Cisbitaalka Magaalada Burco Dr Cadbiqaadir Xaaji Muuse Muruqliqe.
Allah ha u naxariistee Dr ayaa waxa shalay kusoo booday xanuun kedisa ah, waxana qalliin si degdeg ah loogaga sameeyey dhinaca caloosha, kaas oo aakhirkii sabab u noqday Geeridiisa.
Marxuum dr cabdi qaadir ayaa kamid ahaa dhakhatiirta waawayn ee halbawlaha u ahaa gobolka togdheer waxana uu sanadahii u danbeeyay agasime ka ahaa cisbitaalka guud ee magalada burco, kaasi oo markii xukuumadda madaxweyne siilanyo talada la wareegtay ay u soo magacawday isagoo xilka agaasimaha cisbitaalka kala wareegay agaasimihii ka horeeyey isaga dr. Iid maxmed cali.
Sida ay xaqiijiyeen Ehellada marxuumku waxa Meydka Lagu aasi doonaa Magaalada Burco, isla-maanta Haddii eebe laga Helo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com