|

Agaasime Cumar Sayid Waa Masuul U Bislaaday Ka Qeyb Qaadashada Horumarka Isla Markaana Muujiyay Waxqabad Lagu Diirsaday

iidSida ay nu ognahay Xilka Dawladnimo waa mid u baahan karti , aqoon iyo hal adayg , waxaanan anigu maanta si gaar ah Diiradda u saarayaa oo aan jeclahay in aan wax ka idhaahdo , waxqabadka iyo kartida uu muujiyay intii uu xilka hayay  Agaaasimaha Wasaaradda Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan oo runti ah Nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah .

Cumar Sayid wuxuu soo qabtay Xilal is xig-xiga muddo gaaban , waxaanay taasi muujinaysaa hawl karnimadiisa iyo kartidiisa isagoo mar ahaa Maamule Ku Xigeenka Madaarka Berbera , ka dibna uga dallacay Maamulaha Guud ee Madaarka Berbera iyado ugu danbeentiina loo magacaabay  Xilkuuu immika hayyo ee Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista , Runtii waa talaabooyin uu xagga hore u qaaday , waxanay ka marag kacaysaa Dadaalka iyo hufnaanta shaqo ee uu muujiyay intii uu xilalka kala duwan soo qabanayay .

Agaasime Cumar Sayid wuxuu door muuqda ku leeyahay Horumarka Deegaankiisa iyo Kan Somaliland isagoo had iyo jeer ku dadaalaa in uu wakhtigiisa iyo maskaxdiisaba u huro u shaqeenta Bulshadiisa .

Igama ahaa Amaan balse waa Sifooyinka iyo shakhsiyadda dhabta ah ee Cumar Sayid , waxaana intaa dheer in uu Cumar Sayid yahay Aftahan si fiican u qanciyaa bulshadiisa iyo hadba cidii ay shaqo wadaag yihiin .

Waxaan ku soo gunaanadayaa Hadalkayga , Rabbi ha garab galo Cumar oo ha u rumeeyo himiladiisa iyo hiigsigiisa Siyaasadeed .

By : Gudoomiyaha Ururka Barkhadle Iid Maxamed Ismaacil

Comments are closed