Agaasimayaashii SNTV iyo Radio Muqdisho oo xilka laga qaaday iyo Agaasimayaal cusub oo la magacaabay Iyo Is Maandhaaf Ka Dhashay oo Xalay Guuxisa laga dareemay Muqdisho
Muqdisho 10. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa xil ka qaadis iyo isbadal ku sameeyay qaar kamid ah agaasimo waaxeedyada Wasaarada Warfaafinta.
Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Telefishinka Qaranka C/naasir Xuseen, waxaana Agaasimaha cusub ee Telefishinka loo magacaabay Wariye Liibaan Cabdi Cali oo horey uga mid ahaa Shaqaalaha Wasaarada.
Waxaa sidoo kale Wasiirka Warfaafinta uu xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow , waxaana lagu bedelay oo agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Wariye C/fataax Daahir Jeyte.
Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow ayaa agaasimihii hore ee Telefishinka Qaranka Cabdi Naasir Xuseen u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Maamulka iyo Qorsheynta, halka Agaasimaha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Sonna loo magacaabay nin magaciisa lagu koobay Heybe.
Dhinaca Kale Wararka naga soo gaaraya Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Somalia ayaa sheegaya in xarunta wasaarada ay ka aloosan tahay xiisad ka dhalatay isku shaandheyn iyo xilka qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha wasaaradaas.
Sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah agaasimihii xilka laga qaaday ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyey, wuxuuna ku gacan seyray inuu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda C/raxmaan Al-Cadaalla.
Wasiirka warfaafinta Somalia Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa ku eedeeyey agaasimaha xilka laga qaaday ee wasaarada in lagu soo eedeeyey musuq maasuq baahsan iyo wax isdaba marin, ayna maxkamad u dirayaan si loo baaro dembiyadiisa.
Balse Bahlaawi oo 20 sano agaasime ka ahaa wasaaradda ayey u cuntami weysay xilka ka qaadista ku dhacday, isagoo ku adkeysanaya inuusan xilka wareejin doonin illaa wasiirku ka soo cadeeyo eedeymaha xilka looga qaaday.
Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta ayaa muddo dheer ka cabanayey dhibaatooyin iyo musuq ay sheegeen inuu kula dhaqmayey agaasimaha, iyadoo wasiiradii xilalka isaga dambeeyey ee soo maray wasaaradaasna ay waxba ka qaban waayeen.