|

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha oo Aqoon Isweydaarsi hargaysa uga furmay

Hargaysa 10.March (SDN)   Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dawladda ayaa maanta waxaa u furmay aqoon isweydaarsi ku saabsan talo ka bixita iyo aayo ka talinta shaqaalaha Dawladda

Kulankan oo  ay hay’adda shaqaalaha dawladu soo qabanqaabisay ayaa waxaa uu socon doonaa muddo hal maalin ah waxaana si weyn loogu eegi doonaa heerka warbixinaha mas’uuliyiinta wasaaradaha ee ku aaddan shaqaalaha iyo talo ka bixintooda.

Agaasimaha guud ee hay’ada shaqaalaha Ibraahin Xaaji Nuur oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulankan lagaga hadli doono dib u habayn ay samaysay hay’adda shaqaaluhu taasoo loogu talo galay inay agaasimayaasha guud ka bixiyaan aragtiyadooda si la isula eego hadii ay jiraan wax wax kabedel u baahan.

Md Nuux Sh Muuse Ducaale Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda oo kulankaasi furay ayaa sheegay in barnaamijkan dib u habaynta shaqaalauhu uu yahay mid uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JSL Md axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) waxana uu gudoomiyahu sheegay inay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado tayada shaqaalaha iyo aqoontooda si ay u gutaan shaqada ay bulshada u hayaan, halka sidoo kalena uu agaasimayaasha guud ee kulanka loo qabtay ku tilmaamay laf dhabartii hawlaha wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda saldhigga u ahayd.

Md Nuux waxa uu ka codsaday ka qaybgalayaasha kulanka inay soo saaraan wax cilmiyaysan oo wax ka qaban kara hawlaha culus ee horyaalla.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed