|

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dawlada oo ka qayb galay Kulan ay Wasaarada Qorshayntu soo abaabushay

Hargaysa 12.March (SDN)   Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee JSL ayaa maanta Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa uga furtay  kulan ku saabsan tababar la siinayo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dawladda.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta Qaranka ee JSL Dr sacad cali Shire oo furitaankii kulankasi ka dib Warfidiyeenda la hadlay ayaa sheegay in tababarkani si gaar ah u khuseeyo diyaarinta iyo maareynta mashaariicda hay’adaha dawlada ee kala duwan, isla markaana kor loogu qaadi lahaa xirfadda iyo aqoonta mas’uuliyiinta heer agaasime guud iyo agaasime waaxeed ee wasaaradaha dawladda.

Todobaadkan gudihiisa  ayaa hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay tababar noocan oo kale ah u qabatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawladda Somaliland.

 

Hargaysa SDN

qurbejoog@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed