|

Agaasimayaal Ay Isku Hayb Yihiin Madaxweyne Siilaanyo Oo Masuuliyiintii Ka Sarraysay Dartood Loo Sadqeeyey Iyo Laba Kaclaynta Kaftankii Shacabka Ee Wasiirrada Loola Baxay Biri-magaydada Oo Ah Masuuliyiin Aan Dhadhamin Dacarta Isku Shaandhaynta

Hargaysa 07. December 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Hogaanka dalka qabtay Waxa isasoo tarayay Cabashooyin ay masuuliyiin badani qabaan iyo doodo ka taagan Gacan Togaalayn Madaxtooyadu ku hayso hawlaha wasaaradaha oo si cad looga dhex arkayay Qaabka uu ula macaamilayay Golihiisa Xukuumadda iyo Isbadellada uu ku samaynayay.

la-yaabArrintaasi oo saamayn weyn ku yeelatay wasaarado dhawra oo is badallo lagu sameeyey dhawr jeer, Waxa si gaar ah loogu Bartay talaabooyin aan hore loogu arag Xukuumadihii ka horeeyay, taasi oo ah unuglaanshiyo xad dhaaf ah oo ay dadka qaar ku doodayaan in Madaxtooyadu u muujiyay masuuliyiinta qaar ka mid ah gaar ahaan Beesha uu Madaxweynuhu ka soo jeedo,isagoo hanaan gaar ah ula macaamilayay intii uu xilka hayay Masuuliyiinta ay isku haybta yihiin ee lahaa heer Agaasime illaa heer Wasiir oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in aanay wasiirrada qaar seefta Madaxtooyadu taaban.

Arrimaha Hal-Xidhaalaha ku noqday Shacabka reer Somaliland ee ay wali la daalaa dhacayaan Fahamkeeda ee aanay dhinacna u loodin ayaa waxa ka mid ah Afarta Wasiir ee ay Madaxweyne Siilaanyo hayb wadaagta yihiin, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale Iyo Wasiirka Wasaaradda Dib Udejinta Cali Siciid Raygal, Kuwaasi oo aan aan mar kali ah la kulmin xil ka qaadis tan iyo markii ay ka mid noqdeen kabinatka Golaha xukuumadda, balse ay qaarkood taabatay kaliya is baddal kooban oo waliba awood ay ku sii yeesheen, Waxaanay Wasiiradaasi bulshadu u bixisay Wasiiradda Birimagaydada ah. Dad kale ayaa iyaguna ka bixiya fasiraado kale ah oo toos ula xidhiidha Shirkii Gar-Adag iyo Xeerar la sheegay inay Halkaasi isla soo meel dhigeen Beesha Deegaankaasi degta ee uu Madaxweynuhu ka soo jeedaa.

Sidoo kale Hab-dhaqanada kale ee lagu arkay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ka mid ah in Masuuliyiinta ay Madaxweynaha isku haybta yihiin haddii ay isku dhacaan Cida ay wada shaqaynayaan, Xaataa haddii uu ka sareeyo in Awgood Shaqada Looga Caydhiyo. Tusaale ahaan Khilaaf soo dhex galay Wasiirkii la badelay ee Wasaaradda Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa waxa uu gaadhay Madaxtooyadda,isagoo Agaasimuhu garab ka helay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,Waxa ay gartii Madaxtooyadu Noqotay inay Wasiirkii biyaha Shaqada ka caydhiyaan isqabadkaasi Agaasimaha Awgeed,arintaasi oo meel kasta ka dhacay oo shacabka Somaliland ka wada dheregsan yihiin heerarkii kala duwanaa ee uu Khilaafkaasi soo gaadhay iyo fadeexada mahadhada ah ee uu ku dambeeyay.

Dhinaca Kale,Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee Hay’adda Ladagaalanka AIDS-ka Cabdikariin Xinif oo ay isku hayb yihiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa wax ay isqabteen Guddoomiyaha Hay’addaasi dhawaan loo magacaabay Abiib Axmed Cali, Waxaanay dacwadoodu gaadhay Madaxtooyadda, arrintaasi oo abuurtay in Gudoomiyihii Hay’addaasi oo ku maqan Geerida Walaalkii oo ku dhintay Dalka dibadiisa lagu soo daro liiskii habeen hore Shaqada laga Caydhiyay, taasi oo loo sababeeyay in khilaafkaasi iyo khilaafka dhex martay Masuulkaasi ay isku haybta yihiin Madaxweynaha loo eryay,Walow Hadda laga dhigay Latiye Madaxweyne ,Waxaanay arrintaasi qaawisay Hanaankii maamul ee dalka ka jiray oo iskugu biyo shubtay qaab maamul xumo oo nidaamkii dawliga ahaa god dheer ku ridaysa .

Comments are closed