|

Agaasimaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo maanta furay tababar la xidhiidha cudurada Faafa ee Xoolaha ku dhaca

Hargeysa Mar 26,2012(SDN)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Maxamud Axmed Caga weyne ayaa Maanta furay tababar socon doona mudo Sodon Cisho ah oo lagaga hadlayo la dagaalanka cudurada faafa ee ku dhaca xoolaha.

Tababarkan oo ay ka qayb qaadanayaan hawl wadeeno ka tirsan Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxaa furitaankiisii hadal ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xoolaha Dr Maxamud Axmed Cago weyne isagoo si qoto dheer uga waramay in Xooluhu yihiin Laf dhabarta ay nolosha bulshadeenu ku tiirsan tahay isla markaana ah isha dhaqaale ee ugu wayn ee Somaliland waxa uu Agaasimaha Guud sheegay inay waajib tahay sidii daryeelka xoolaha iyo caafimaadintoodaba la isaga xil saari lahaa si looga taxadiro ayuu yidhi inay ku yimaadaan Cudurada faafa .

Dr Caga weyne waxa uu tilmaamay siyaasada Xukuumadu ay tahay sidii loo heli lahaa xoolo caafimaadkoodu dhamaystiran yahay  waxaanu cadeeyay Wasaarada Xanaanada Xooluhu ay leedahay Shaybaadh Weyn oo Casri ah kaas oo lagu ogaan karo cudurada kala duwan ee ku dhaca Xoolaha .

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed