|

Agaasimaha Wasaarada Kaluumeysiga oo ka hadlay Heshiiska Badda e Somaaliya iyo Shirkada Reer Holland iyo Kaluumeysato Xaaluf ku heysa Badda

Hargeysa Aug 02,2013(SDN)-Agaasimaha Wasaarada Kaluumeysiga Somaliland Md Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase ayaa ka waramay heshiis dhawaan ay kala sexeexdeen Dawlada Soomaaliya iyo Shirkad Holland laga leeyahay oo sugi doona xuduudaha bada.

Heshiiskan ayaa sidoo kale shirkada Atlantic Marin and Shore Group waxa uu u fasaxayaa in ay iib geyso kheyraadka bada ee Soomaaliya.

Agaasimaha Kaluumeysiga Somaliland Ilkacase ayaa sheegay in cadawga 1aad ee badaha Somaliland ay yihiin Kaluumeysatada Yemen.

Sidoo kale baaq uu u jeediyay ciidamada badda ee Somaliland ayuu ku sheegay in ay badadaha Somaliland aaney u ogolaan ciidamada shirkada Atlantic Marin and Shore Group.

“Ciidamada ilaalada Xeebaha Baddaha Somaliland waxaanu ku adkaynaynaa inay galaan feejignaan dheeraad ah, oo ay baddeena ilaaliyaan, Maraakiibtii shisheeye ee baddaha Somaliland ka Kalluumeysan jirey waynu saarnay, laakin Yementa oo ah cadowga kowaad ee Somaliland leedahay oo Doonyo ay leeyihiin faro baas ku hayaan Kalluunka in culeys la saaro, isla markaana aanu xaqiijino shirkada dawlada Soomaaliya heshiiska Badda lagashay inaanay baddeena masuul ka noqon Karin”ayuu yiri Agaasime Ilkacase.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed